Gudiga Jaaliyada Qatar oo Doortay Xubnaha Hogaaminta Jaaliyada

 

Sida aad horay ula socoteen waxay Jaaliyada degaanka Somalida Itobiya ee Qatar qabatay shir bishii February, kaas oo ay ku doortay gudi cusub, oo wadi doonta hogaanka Jaaliyada Qatar sanadka 2012.

Dalka Qatar waxaa ka jirta Jaaliyad ka mid ah Jaaliyadaha degaanka Somalida Ethiopia ugu balaadhan, qabtana hawlo horumarineed iyo kuwa waciyi galineed.

Hadaba kulan maalin dhaway ka dhacay Doha, ayey Jaaliyada Qatar ku dooratay gudi hawl kar ah oo ku shaqaynaya daacadnimo, lana filayo in ay kor u qaadi doonto hawlihii shaqo ee Jaaliyada.

Doorashada oo u dhacday si dimoqraatiyada ah waxaa lagu doortay hawlwadeenadan ay magacuadoodu hoose ku qoran yihiin;

  1. Maxamed Faarax Cabdille                        Gudoomiye
  2. Maxamed Muxumed Cumar                       G/kuxigeen
  3. Axmed Maxamed Cumar                           Arrimaha dibada
  4. Maxamed Sheekh Daahir                          Kaashiyeer
  5. C/Samad Maxamed Xasan                        Xoghaye

Doorashada gudiga Jaliyada ka hor waxa wacdi diini ah oo kooban ka soo jeediyey kulanka mudane Maxamed Muxumed Cumar. Waxaana uu Maxamed ugu baaqay cidii nasiib u hesha xulashada xilka Jaliyada in ay si daacad ah u gutaan xilooda.

Xulashada xilalka shanta ah, ka dib waxaa hadalka la wareegay gudoomiye Maxamed Faarax Cabille oo runtii soo jeediyay hadalo aad u soo jiitay dhamaan dadkii halkaa isugu yimid.

Gudoomiyuhu wuxuu aad ugu dheeraaday in shaqada Jaaliyadeed ay muhiim tahay, mar walbana loo baahan yahay in dadka la isukeeno dalkooda iyo isbadalada ka jirana lal socodsiiyo si ay uga qayb qaataan isbadalada.

Ugu danbayntii shirkii gudigu wuxuu ku soo gabo gaboobay guul iyo farxad. Waxaana lagu balamay kulane dambe oo balaadhan, si loogu guulaysto hawlaha Jaaliyada Qatar kaga aadan degaanka Somalida Ethiopia.

Jaaliyada Qatar waxay qaban doontaa shirar muhiim ah wakhti dhaw, kuwaas oo Jaaliyada loogu faahfaahin doono iibsashada iyo faa’iidooyinka boondhiga biyo-xidheenka Abbay.

 

Jaaliyada Dedaanka Somalida Itobiya ee Qatar
P.O.BOX 13789
Doha Qatar
Tel. +974770092938
Email. ethiopan.somali.community.qatar@gmail.com

rasaasa.com