Guddoomiyaha UWSLF oo Maanta la Kulmay Guddoomiyayaasha Gabalada Dhagaxbuur iyo Afdheer

 

Dirba waxaa muuqda Isbadal wayn oo uu wado Gudoomiyaha UWSLF,  Sheekh Ibraahin Xuseen iyo Gacan wayn oo ay Siinayaan Ismaamulka Somalida oo iyagu Jecel in wax loo qabto dadweynah wixii hada ka dambeeya.

Gudoomiyaha Ururka UWSLF Sh. Ibraahim Sh. Maxamed Xuseen ayaa Maanta si kala gooni gooni ah u qaabilay qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Gobalada Af-dheer iyo Dhagax-buur. Gudoomiyaha ayaa Subaxnimadii saaka kulan la qaatay Gudoomiyaha Gobalka Af-dheer Mudane Dayib Axmed Nuur(Raqiib) oo uu Wehliyo Gudoomiyaha Xizbiga Gobalkaasi Mudane Nuur Xayir Qaasim, iyo Dr: Bashiir Xassan Maxamed oo ah Xildhibaan heer Kilil ah oo Gobalalkaasi laga soo doorto.

Mudane Dayib ayaa Gudoomiyaha Ururka UWSLF warbixn Buuxda ka siiyay xaalada Dhabta ah ee ka taagan Gobalkaasi isaga oo Sheegay in Wixii hada ka dambeeya Gobalkaasi uu u Jiheeystay Dhanka Horumarka, isaga oo sheegay in ay waxbadana ka qabteen Dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Sidaas oo kale Waxaa warbixintaas mid la mid ah Gobalkiisa ka siiyay Badal Xiis Maxamed oo ah Gudoomiyaha Gobalka Dhagax-buur isaga oo Tilmaamay intuu Gobalkaasi joogay in uu Mashaariic Badan ka Hirgaliayay Xooggana uu saaray Goobaha Halbowlaha u ah Bulshada.

Gudoomiyaha Ururka UWSLF Sh.Ibraahim ayaa maalmahanba waday Dadaalo uu waxbadan kaga ogaanayo xaalada Dhabta ah ee ay ku suganyihiin Shacabka Soomaaligalbeed isaga oo Kulamo kala Duwan layeelanayay qaybaha kala Duwan eemaamulka iyo Bulshada deegaanka.