Guddoomiyaha JXSG oo Dadweynaha Somali Galbeed u Diraya Salaanta Ciidda Barakeysan

 

Gudoomiyaha Midowga jabahadda Xoraynta S/galbeed Sheekh Ibraahim Sheekh Muxumed, Ayaa ugu Hambalyeeyay Guud ahaanba Sahacabka Muslimiinta iyo soomaalidda, gaar ahaana Shacabka S/galbeed, Qaybihiisa kala duwan Munaasabadda Ciida, Isagoo urajeeyay inay ku Ciidaan Farxad.

Sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu Hambalyo udiray Majaahidiinta Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed, wuxuuna udardaarmay Adkaysi iyo Samir, Si aan ku gaadhno ujeedadeena oo ah inaaan Gumaystaha ka xorayno Dadkeena iyo Dalkeena ayuu yidhi gudoomiyuhu.

Gudoomiyuhuu Waxuu Halbalyo udiray Kumayaalka Maxaabiista ah ee ku Dhibaataysan Jeelasha Gumaysiga Itoobiya Kasamaystay Dhulka Soomaaligalbeed, wuxuuna ugu Baaqay Gumaysiga iyo kuwa ushaqeeyaba inay siidaayaan Maxaabiista Tiradda Badan ee Jeelasha ugu jira sida Sharci Darada ah oo ay u,ogolaadaan inay Dadkooda La qaybsadaana Farxadda Ciida, Wuxuu Maxaabiistaana udardaarmay Inay Ku Sabraan Dhibaataadda Haysata, Allena Baryaan Inuu Kabixiyo Dhibaataadda gumaysigu ku hayo.

Ugu dambayn gudoomiyuhu wuxuu Guud ahaanba Caalamka Islaamka iyo Soomaalida, gaar aahana Shacabka S/galbeed u Rajeeayay in Ciidan Ciideeda kala Ku gaadhaan Nabad galiyo Caafimaad iyo horomar waxii dhibana Alle ka qaado.

Gudoomiyaha
Midowga Jabhadda Xoraynta Somali galbeed