Guddoomiyaha Ururka ONLF oo ka Qayb Galay Xaflad Caleemo Saar

 

Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo] Eng. Salaax Xaji Cabdiraxmaan oo ka Qayb Galay Kulan Saaxiibtinimo oo ka dhacay Baden Wuerttemberg, oo Lagu Soo Dhaweynayey Chancellor -ka Cusub ee SalahdinJarmalka

Dalka Jarmalka ayaa waxaa baryahanba ka socday doorashooyin lagu dooranayey cida hagi doonta dalka shanta sano ee soo socta, waxaana ku guulaysatay gabadhii hore u ahayd hogaamiyaha Jarmalka Angela Dorothea Merkel.  Doorashooyinka Jarmalka cidda ku guulaysata hogaaminta dalka Jarmalka, ayaa waxay qabataa kulan ay ugu talo gasho in ay ugu gudbiso  xubnaha Xisbiga ku guulaysta taladda dalka, ururada  iyo aqoonyahanadda ka jira dalka Jarmalka ee ka soo jeedda dalal kale haystana dhalasha Jarmalka,  waxyaabaha ay dawlada Jarmalku u qabandoonto dalalkooda.

Dawlada Jarmalaka ayey wadaniyiinteedu galiyaan hanti dhaqaale oo ka timaada canshuurta wadaniyiinta Jarmalka iyo mid siyaasdeedba dalalka aduunka, gaar ahaana dalalka saboolka ah, arimahaas waxay dawlada Jarmalku waxay kala tashataa dadka Jarmalka ah ee asal ahaan ka soo jeedda dunida saddexaad ee ay kaalmayso.

Gudoomiyaha Jwxo, waxaa uu ka mid ahaa dadkii lagu marti qaaday qado sharaf lagu caleemo saarayey hogaamiyaha cusub ee ku guulaystay talada xisbiga iyo hogaaminta dalka Jarmalka, xafladaas la sameeyo ayaa lagu sharfaa ururada iyo aqoonyahanada si loogu sharxo, waxyaabaha ay dawlada Jarmalku u qaban karto dalalka ay ka soo jeedaan ururadaasi.

Gudoomiye Eng. Saalax oo ah ninka ugu dhaw dawlada Jarmalka dadka uu asalkoodu ka soo jeeda qaarada Afrika, ayaa waxaa uu bare ka yahay Jaamacad ka mid ah Jaamacadaha dalka Jarmalka, waxaa kale oo uu dalka Jarmalka u qaabilsan yahay dhinaca kala talinta dawlada arimaha qaarada Afrika.

Hadaba, gudoomiye Saalax oo ka qayb galay kulankaas oo dhacay October 5, 2009, ayaa waxaa uu goobtaas ka soo jeediyey hadalo uu ku weerarayo kaalmada dhaqaale ee ay dawlada Jarmalku siiso dalka Itobiya isaga oo yidhi “xukuumada Itobiya xumaan mooyee wanaag kuma samayso dhaqaalaha ay dawlada Jarmalku siiso”, wuxuu sheegay Eng. Saalax “dalka Itobiya waxaa ay haystaa dhulka Ogadeeniya 112 sano, kaalmo cidii siinaysana waxaa nawaagsan in ay aragto xaalada dhulka Ogaden”.

Gudoomiye Saalax, waxaa uu dawlada Jarmalka ka codsaday in ay dawlada Jarmalku caawiso dadka Somalida ah ee degan Ogadeeniya [Ogaden] iyada oo aan u marinin xukuumada Itobiya ee u marinaysa hayadaha samafalka ee madaxa banaan, taas oo aan la hubin in xukuumada Itobiya in ay nabad galin hayadaha samafalka ee caalamiga ah.

“Waxaan kala talinay dawlada Jarmalka in ayna bixinin kaalmo lagu waxyeelaynayo dadweyne aan waxba galabsan sida Ogaden, Afar, Gambella, Ormo, Binshangul, Amara, Sidamo, Guraga, Wolyanto iyo qaar kale oo badan”  sidaasi waxaa kulanka ka dhex yidhi Eng. Saalax Xaaji Cabdiraxmaan Macow.

Dawlada Jarmalka ayaa ah dawladaha siiya deeqdaha ugu badan ee dhinacyada farsamada xukuumada Tigray, waxaana ay ugu talo gashaa kaalmooyinkaasi in looga faa,iideeyo bulshada Itobiya dhinacyada horumarinta.

Si kastaba ha ahaate Gudoomiyaha Jwxo Eng. Saalax, ayaa isagu aad uga soo horjeeda deeqaha ay dawlada Jarmalku siiso xukuumada Itobiya kuwaasi oo aan marin meelihii loogu talo galay. Masuuliyiinta xilka Jarmalka ayaa waxay sheegeen in wixii hada ka dambeeya ay dawlada Jarmalku ka fiirsan doonto Kaalmooyinka ay siiso xukuumada Itobiya walow ay dhawr goor oo horena isku dhaceen labada dawladood dhinaca dublamaasiyada.

xigasho: http://www. Ogaden.info