Golaha Guurtida Odayaasha DDSI oo Hambalyo u Diray Madaxweynaha

 

Jijiga, Mar 5, 2012 [ras] – Gudoomiyaha golaha guurtida Odayada dawlada degaanka Somalida iyo ku xigeenkiisa oo ay hareero fadhiyaan golahiisa guurtida, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha degaanka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamuud oo booqasho ku jooga Ingriiska iyo Jaaliyada.


Garaadka beesha Absame, ahana gudoomiyaha golah guurtida odayaasha Garaad Maxamuud garaad Dool Garaad Xisri, ayaa  hambalyo midaas la mid ah u diray Jaaliyada Ingriiska iyo dhamaan qurbo-joogta degaanka ee Yurub sida habsamida leh ee ay u soo dhaweeyeen madaxweynaha iyo hawsha uu wado.

 

Gudoomiyaha oo aad ugu faraxsan sida habsamida leh ee ay Jaaliyadaha sagaalka gabal ee degaanku  uga qayb galeen shirkii ka dhacay safaarada ee lagu gadanayey boondhiga biyo xidheenka Abbay.

 

Gudoomiyaha guurtida Garaad Maxamuud, ayaa yidhi “waanu ku faraxnay sida ay jaaliyadu u oogtay shirka, iyada oo kor u qaaday magacii ay Somalidu ku lahayd Ethiopia.”

 

Ugu dambayntii golaha guurtida odayaasha DDSI, ayaa salaan u diray Madaxweynaha oo yidhi “waanu ku mahadadinaynaa madaxweynenimadaada.”

rasaasa.com