Sun. Dec 5th, 2021

Gumeysiga Itoobiya oo dhib iyo tacadiyo badan oo isugu jira dil, jirdil, dhac, barakicin iyo xabsiba ku hayey dadweynaha Soomaali galbeed, wuxuu baryahaan danbe billaabay tab cusub oo ah in uu heshiis hoosaadyo la galay maamullada ka jira Soomaaliya qaarkood; si ay ugu soo gacangaliyaan dadka ka soo cararay ama u adkeysan waayay dhibaatadii loogu geysanayay deegaankooda.

Maamullada ka jira S/land iyo P/land oo ay muuqato in Itoobiya saameyn weyn ku leedahay go’aankooda waxey ilaa iyo xilligan Itoobiya u dhiibeen dad badan oo aan iyaga waxba u dhimin maamul ahaan ama khatar ku aheyn amnigooda, iyaga oo arrintaas Itoobiya ku raalligalinaya.
Dhacdooyinka noocan ahina way soo noqnoqdeen dhawrkii sano ee u dambeeyay ilaa iyo haddana ma muuqato in wax is baddal ahi soo socdo, waxaana muuqata in maamulladu Itoobiya u sii dhago nuglaadaan maalinba maalinta ka dambaysa, tallaabooyin kuwan ka sii dhib badanna ay qaadayaan. Haddaba inta aynaan is weydiinin waxa suuragalka ah ee arrimahan laga qaban karo waxaa mudan inaan wax yar iftiiminno ujeeddooyinka mashruucan ka dambeeya.

Ujeedooyinka dadka loo qabqabanayo

Ujeeddooyinka dhabta ah ee ka dambeeya in dadweynaha reer S/galbeed lagu xidhxidho gudaha Soomaaliya ama Xabashida loo dhiibo waxaan ka tilmaami karnaa arrimahan:
1. in la go’doomiyo shacbigaas, uuna noqdo mid ku jira xabsi weyn oo dusha ka furan, Itoobiyana say doonto ay ka yeesho, iyada oo ayna jirin meel kale oo ay u irkadaan ama cid ka warhaysa oo arrintooda ka hadlaysa, lana kala gooyo iyaga iyo walaalohooda Soomaaliyeed; si ay ula mid noqdaan shacbiga Oromada oo Xabashidu bakhtiisatay.
2. in dadkaas dhaqaale ahaan loo curyaamiyo, ka dib marka laga joojiyo xiriirka ganacsi ee ay la leeyihiin Soomaalida kale, taas oo sahlaysa in shacbigu baahi darteed isu dhiibo Itoobiya, uuna ogolaado gumaysigeeda.

3. in la salkiciyo dadka reer S/galbeed ee ku dhaqan ama ka shaqaysta gudaha jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo dhalinaysa in kumanyaal qoys oo qaxooti cusub ah ay dib uga firxadaan dalweynaha Soomaaliyeed ama dib ugu noqdaan halkii ay markii hore nafta kala soo carareen.

4. Waxaa kale oo barakicintaas meesha ka saaraysaa kumanyaal arday oo wax ku barta gudaha jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku tiirsanaa qaraabadooda degan ama ka shaqaysata jamhuuriyadda, si loo damiyo dhinbil kasta oo itoobiya mustaqbalka ku dhibi karta xornimo doon ama sare u qaadi karta aqoonta iyo wacyiga bulshadaas.

5. Waxaa kale oo barakacaas meesha ka saarayaa kaalmihii dhaqaale ee dadka degan jamhuuriyadda ama ka shaqaysta ay u diri jireen eheladooda.

6. In shacbiga reer S/galbeed iyo walaalohood la kala dhexdhigo colaad ay kaga mashquulaan xornimo-doonkii iyo halgankii, Itoobiyana ay ka nasato iska caabbintooda.

7. In lagu qanciyo shacabka reer S/galbeed in Itoobiya awood u leedahay inay kaga aarsato dalka ay gumaysato iyo dalweynaha Soomaaliyeed ee kaleba, aysanna jirin cid ama meel ay ka gali karaan aarsigeeda, loona tuso in shacabka Soomaaliyeed oo dhan iyada askar u wada yahay; si ugu dambaynta dadweynuhu isugu dhiibaan, uguna hoggaansamaan gumaysigeeda.

8. In Itoobiya iyo kuwa la shaqaysta ka dhaadhiciyaan shacabka reer S/galbeed in dhulka Soomaaliyeed ee lagu dhibayo yahay dal iyo dad shisheeye ah, Itoobiyana tahay dawladoodii, iyaga oo cuskanaya xadgudubyada ay samaynayaan maamulada Soomaalidu iyo hadalada aan munaasibka ahayn ee ay kula hadlayaan walaalohood reer S/galbeed.

Falalka qabqabashada iyo falceliskoodu yay dan u yihiin?

In la qabqabto dadweynaha reer S/galbeed ama la dhiibo waa hawl ay ka dambayso Itoobiya oo danteedu ku jirto. Falalka aargoosi ee ka iman kara reer S/galbeed ama ugu yaraan qaraabada dadka lagu xadgudbay iyana waxay u danaynayaan isla Itoobiya; waayo waa habka ugu sahlan ee ay ku gaari karto ujeeddooyinka aynu kor ku soo xusnay!. Waxaa Itoobiya xoog iyo xoolo badan kaga baxaan sidii ay u kala googoyn lahayd shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, ayna u xidhi laheyd xuduudaha dhulka Soomaaligalbeed la leeyahay Soomaalida kale, ilaa iyo haddana wax badani ugama suuragalin, laakiin haddii falalka dadka lagu dhiibay falceliskooda laga dhigo in si ikhtiyaari ah loo joojiyo xidhiidhka ganacsi iyo isu socod ee ka dhexeeyay dadka la gumeysto ee S/galbeed iyo shacabka jamhuuriyadda daggan waxaa si kharash la’aan ah ku hirgalaya hadafkii gumeysiga.

Haddaba waxaa habboon in la darso habab looga hortago, loogana jawaabo xadgudubyada oo u danaynaya shacabka walaalaha ah kan dulman iyo kan magiciisa wax lagu dulmiyayba, isla markaasna aan ujeeddadii Itoobiya hirgalinayn, waana la hubaa in la heli karo xeelado iyo habab badan oo arrintaas wax looga qaban karo, waxayse u baahantahay dad indheergarad ah oo fahmaya meesha dirirtu ka socoto, awoodna u leh inay xeegada xagtaan ilkuhuna u nabadgalaan.

Dadweynaha Soomaaliyeed iyo maamulada u taliya ma isku gawracanyihiin!
Maamulka iyo askarta Kililka shanaad ee u shaqeeya Itoobiya waxay si joogto ah u xidhxidhaan, una laayaan dadweynaha reer S/galbeed, waana dad ka dhashay dadka ay laynayaan ama Itoobiya u dhiibayaan, umana badna in dhibta ay gaystaan loo qabsado qabiilooyinkooda ama jifooyinkooda; waayo dadku waxay ogyihiin in aysan falalkaan ku matalin qoysaskooda ee ay ku matalaan Itoobiya, isla markaasna ay jifooyinkooda iyo dadka kale isku si u dhibaan. Haddaba waxaa la gudboon shacabka reer S/galbeed in aysan shacabka Soomaaliyeed ee walaalohood ah marna u aanayn dhibka maamuladu u gaystaan, ayna ogaadaan in khidmada maamulada jamhuuriyadda ka jira u qabanayaan Itoobiya ay la mid yihiin kuwii maamulada Kililku qaban jireen Itoobiya.

Arrintaasina marag uma baahna, waxaana tusaale ugu filan sida culamad, salaadiinta, ganacsatada iyo waxgaradka reer P/land uga dhiidhiyeen ilaa iyo haddana uga dhiidhiyayaan xadgudubka lagula kacacay dadka Itoobiya loo gacangaliyay, ilaa xad ay ku guuleysteen inay ka sii daayaan maamulka P/land shan nin oo kal hore madaarka Boosaaso laga qabtay, lana doonayay in loo dhiibo Itoobiya.

Maxaa arrintan kala gudboon waxgaradka S/galbeed?

Dhab ahaan falalkan lagu dhiibay qaar ka mid ah shacabka reer S/galbeed waa falal xatooyo ah oo aan waafaqsaneyn nidaamyada u yaalla maamulada dadka dhiibay laftooda, lana mararinin golayaasha maamulka, iska daa in wax laga weydiiyo salaadiinta, culimada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo waxgaradka oo ah hoggaanka dhabta ah ee bulshada; sidaas darteed is-hortaagga iyo wax ka qabadka xadgudubyadaasi way sahlantahay haddii la adeegsado tabo xikmadeysan oo wax ku ool ah, waxaana isleeyahay waxaa habboon in la qaado tallaabooyinkan soo socda.

1. In la fahmo dagaalka socda nooca uu yahay, yoolka uu hiigsanayo, cidda ka dambaysa, cidda fulinaysa iyo hababka loo fulinayo, ka dibna la darso waxyaabaha iyo hababka ugu munaasabsan ee looga hortagi karo. Intaa ka dib ayay tahay in la qaado tillaabooyin ku dhisan diraasad, aadna looga baaraandagey.

2. In dadweynaha lagu wacyigaliyo ololaha socda iyo sida loo waajahayo, lagana hortago falal aargoosi ah oo aan u danaynayn guud ahaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaddiyadda dadka lagu tacadiyey, isla markaana laga feejignaado in cadawgu isu adeegsado shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

3. In laga digtoonaado inay magaca bulshada S/galbeed ku hadlaan dad aan xilkas ahayn ama u fulinaya ajandayaashii Itoobiya si kamma’ ah ama ula kac ah.

4. In ay arrintan salaadiinta, culumada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada iyo waxgaradka kale ee reer S/galbeed kaga hadlaan qalabka warbaahinta, ayna ka garnaqsadaan tacadiga loo gaystay.

5. In waxgaradka reer S/galbeed qolo walba si gaar ah ula xidhiidho dhiggeeda ku sugan ama u dhashay deegaanka maamulkiisu dhibaatada gaystay, ayna ergo rasmi ah u gudbiyaan, kana dalbadaan in ay xadgudubkaas wax ka qabtaan illeen ninkii waalan walaalkiis baa u miyir-qabee.

6. In ay si toos ah ula xidhiidhaan maamulka markaas tacadiga gaystay, ayna kala garnaqsadaan dhibkaan uu gaystay, kana dalbadaan in uu dhibka hadda taagan joojiyo, mid dambena aanu kula kicin walaalihiis.

Gabagabadii shaki kuma jiro in waxa dhacay ay yihiin xadgudub foolxun oo badheedh ah oo ka soo horjeeda diinta, sharafta, Soomaalinimada, dhalashada, danta shacabka Soomaaliyeed iyo xataa aadaminimada, kaas oo lagu la kacay shacabka reer S/galbeed ee awalba dhibbanaa. Waxaa iyana hubaal ah in cidda tacadigan gaysatay ay tahay ciddii wax ka qaban lahayd ama ka shaqayn lahayd xoraynta iyo badbaadinta walaalohood cadaawaha u gacangalay, arrintuna waxay u muuqataa “geel ninkii dhicin lahaa dhacayo” ama meeshii cirka laga filayey oo ciiryaamo ka timid. Waxaa kale oo iska cad in aanay dadka falalkan gaystay ku matalayn shacabka Soomaaliyeed ama beelaha ay ka dhasheen, isla markaasna aanay waafaqsanayn nidaamka u degan maamuladooda ee ay tahay wax dad gaar ahi ku taloxumaysteen.

Si kastaba ha ahaatee arrintani waa arrin weyn oo yeelan karta wax badan oo ka dameeya, waxaana loo baahan yahay in la qaado tillaabooyin waaweyn oo leh baaxadda xadgudubku leeyahay, ayna ka wada qaybqaataan, isuna kashadaan hoggaanka diimeed, dhaqan iyo siyaasadeed ee deegaanada iyo beelaha arrintu dhextaal, qolo walbana ay ka soo baxdo waxa kaga aadan dhacdadan fooshaxun iyo xal u helideeda. Waxaa kale oo ku habboon dhinacyada arrintani sida gaarka ah u sii khusayso inay dib u jalleecaan raadka xun ee arrinta noocan ahi uga tagtay labada shacab ee walaalaha ah ee S/galbeed iyo S/land markii ay ka hortagi waayeen dadkii labadoodaba sida xun u matalay!.

Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Xasan Maxamed Ibraahim
xasanyare@msn.com

By admin