Geeri Naxdin Leh oo ku Timid Mahad iyo Cabdifataax Xaaj Warfaa

 

Eebe Weynow Janadii Gee, Ehelka iyo Qoyska reer Xaaji Warfaana Samir iyo Iimaan ka sii, geerida naxdinta leh ee ku timid Mahad Cabdi Xaaji Warfaa iyo Cabdifatax Xuseen Xaaji Warfaa.

Bogga Rasaas.com isaga oo aad uga murugaysan waxaa uu tacsi u dirayaa dhamaan Jaalyada Somalida Ogadeeniya, gaar ahaan Qoyska iyo ehelada ay ka baxeen Mahad Cabdi Xaaji Warfaa iyo Cabdifatax Xuseen Xaaji Warfaa, oo xalay 7:00 fiidnimo ee wakhtiga Marykanka, lagu toogtay dukaan ay ku lahaayeen Minneapolis.

Wali dhab looma oga cida dishay waxaase la sheegay in ay dilkan xaq darada ah ay gaysteen dad Somali ah. Ma jiraan waxyeelo loo gaystay hantidii taalay dukaanka, ummana muuqdo falkan in ay gaysteen budhcad dhacdoon ah.

Wiilasha la dilay ayaa waxaa ay ahaayeen dhalinyarada ugu firfircoon dhinaca shaqada, dadka Somalida ah ee degan Minneapolis, mana jirin wax xidhiidh ah oo ay la lahaayeen kooxo.

Wali laba saadaalin karo cida ay noqon doonaan dadka dilka gaystay, waxaase ay boolisku wadaan baadhitaan xoog leh, waxaanan arki doonaa wixii ka soo baxa baadhitaanka uu boolisku wado.

Dhamaan Jaaliyada Somalida Ogadeenya, waxay aad uga naxeen geeridanfoosha xun ee ku timid qoyska reer Xaaji Warfaa Magan [Magan – Dababgaab], wayna  tacsiyeynayaan meel ay joogaanba in uu samir iyo Iimaan ka siiyo dhimashada Mahad iyo Cabdifataax Eeban geeyo janadii.

Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin