Geeri Naxdin Leh: Innaa Lillaahi Wa Inaa Illaahi Raajicuun

 

Sheekh Maxamed Dubad oo ka mid ahaan jiray masuuliinta sare ee ururka UWSLF, ee dhawaan heshiiska nabadeed la galay dawlada Ethiopia, ayey rag dabley ahi salaaddii cishe ka dib, toogasho ku dileen gurigiisa hortiisa,  badhtamaha magaalada Garrisa.

Wararka hordhaca ah ee aan ka heleyno magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in sheekhu uu ka soo baxey salaaddii Cishe ka dibna uu gurigiisa soo aaday halkaas oo ay laba nin ku  sugayeen gurigiisa hortiisa, kolkii ay xaqiiqsadeen in Sheekh Maxamed yahay ayay rasaas la beegsadeen.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa diyaargaroow iyo hanajabaado badan waday Kooxda Caasmara oo iyagu sheegay inay ku tala jiraan inay u aari doonaan masuul ka tirsanaa ururkooda oo lagu dilay xerada Qaxootiga ee Ifo.

Maamulka iyo shaqaalaha bogga rasaasa waxay tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan masuuliyiinta ururuka UWSLF , in uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo, marxuunkana janadii geeyo.

Dib ayaan iinka idka soo sheegi wixii war ka soo kordha dilkan ka dhacay caawa badhtanka magaalada Garrisa.

rasaasa.com