Geel Jire Gabiga Ceelka Bulaale Lagu Dilay

 

Ceelka BulaaleJijiga, Apr 23, 2014 – Labo Geel-jire ayaa lagu dilay Gabiga ceelka Bulaale Jamcihii 18/04/2014, warkan waxaa na soo gaadhsiiyey xafiiska warqabadka RasaasaNews ku leedahay magaalada Jijiga.

Ciidamada Liyuu Booliska ee degan Tuulada Bulaal ayaa rasaas ku boobay labada, kolkii ay bidhaan dhawaaq jirta ka arkeen, kuwaas oo markiiba dhintay. Wiilasha la dilay ma hubaysnayn, dadka magaalada ayaa ku soo ordaykolkay maqleen xabada, Liyuu Booliska ayaa ugu jawaabay rasaas, halkaas oo ay ku dhaawaceen labo haweena.

Wiilasha la dilay ayaa magacood lagu soo gaabiyey Axmeddaahir iyo Ina Fidhin.

Falalka noocan oo kale ah ayaa si caadi ah uga dhaca degaanka Somalida Ogadeeniya, mana jirto cid ka hadasha, marka laga reebo war kooban oo boggaga Internet-ku si dhuumaal ah kaga soo tabiyaan degaanka.

Ismaamulka Somalida iyo Atobiya oo ah kuwa falalka xun fuliya ayaan marna ka hadlin waxyeeladda ay u gaystaan shacabka, iyaga oo ku dhaqma “geeridu nimaan la garanayn iyo Geel-jiray ku fiican tahay.”