Garrissa oo Lagu Xidhgay Qaar ka Tirsan Budhcada Jwxo-shiil

 

Budhcad ka tirsan kooxda Jwxo-shiil, oo maalinkii doraad ahayd weerar ku qaaday guri ay ku shirayeen dad ka soo jeeda gabalada Jubooyinka, ayey maanta Booliska dalka Kenya gacanta ku dhigeen iyaga oo ku dhuumanaya guri magaalada ah

Budhcada ayaa dhaawacyo halis ah gaadhsiisay saddex ruux oo ka mid ah dadkii shirka ka qaybgalayey.
Werarka oo aan wali la garan ujeedadiisa, ayey u isticmaaleen dhagxaan iyo budhadh, waxaana wali kooma ugu jira wiil uu soo gaadhay dhaawac madaxa ah.

Kooxda budhacada ah ee Jwxo-shiil, ayaa weeraro ku qaada dadweynaha degan magaalada Garrissa iyaga oo gaysta dambiyo badan oo uu dil ka mid yahay.

Sheekh Maxamed Dubad, ayey hore ugu dileen gurigiisa hortiisa xili fiid ah magaalada Garrissa badhtankeeda, dilkaas oo dadkii loo qabtay la xukumay oo ay xabsi ku jiraan.

Budhcada maanta la qabtay oo ka kooban afar ruux ayaa la filayaa in si deg deg ah maxkamad loo geeyo, laguna xukumo dambiga ay galeen. Waxaa magaalada Garriss degan qaar ka mid ah wakiilada Jwxo-shiil, oo iyagu abaabula dambiyada ka dhaca magaalada Garrisa.

Kooxda Jwxo-shiil, oo hore u sheegi jirtay in ay la dagaalanto dawlada Ethiopia, ayaa waxay bilowday hawlo Argagixiso ah. May 13, 2011 ayey ahayd kolkii ay ka afduubteen gabalka Ogaden shaqaale hayada cuntada aduunka [WFP].

Dhibaatada ay samaynayso kooxdani ayaa aad ugu soo noq noqotay magaalada Garrissa oo iyadu mar ahaan jiray magaalooyinka ugu nabdoon ee ku yaal geeska Afrika, haatanse uu isbadalay amaankeedu.

rasaasa.com