Garissa oo Laba Beelood ay Dhiig Iska Daadiyeen

 

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta u dhalatay gabalka NFD, ayaa waxay la wareegayaan dhimbil dab ah, waxayna haatan u egg tahay in dhimbishii dabka ahayd ay dhax dhigeena magaalada Garrissa.

Magaalada Garrisa oo ay hayda nadaba ee United nation ay mar ku sheegtay in Garrissa ay tahay magaalada ugu nabad galiyada badan ayaa haatan u muuqata in ay beeniso warkaas.

Ugu yaraan 4 ruux ayaa dhintay ka dib kolkii dagaal ka dhashay muran dhul uu dhexmaray laba beellood, balse waxaa socda dadaallo nabadeed.

Magaalada Gaarisa ee dhinaca waqooyiga bari ee Kenya waxaa saddexdii maalmood ee u danbeeyay ka dhacay dagaalo dhexmaray laba beelloood. dagaalkan ayaa ka dhashay muran dhul ay leedahay dawlada Kenya oo ay labada beelood isku qabsadeen.

Dagaalkan ayaa la isku isticmaalay gudumooyin, waramo iyo alwaax masaamiiraysan, waxaana ku geeriyooda 4 ruux, iyada oo sidaas oo kale ay dad badani ku dhaawacmeen, guryana lagu gubay.

Magaalada Gaarissa waxaa haatan ka socda dadaalo lagu soo afjarayo collaadaasi. Madax uu ka mid yahay wasiirka gaashaandhiga ee Kenya iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa wada qorshaha colaaddaasi lagu soo afjarayo waxayna kulamo la yeesheen odoyaal dhaqameedyada labada beelood.

Masuuliyiinta lagu eedaynayo in ay ka dambeeyaan colaadan, ayaa la filayaa in lagga waraysto lugta ay ku leeyihiin colaadan iyo waliba sida ay isu difaacaan.

rasaasa.com