Ganacsato Somaliland ah oo Lagu Qabtay Hub Iyaga oo Xadka Degaanka ka Soo Gudbinaya

 

Jijiga, August 5, 2011 [ras] –  War ka soo baxay taliska ciidanka cusub ee Booliska ee degaanka Somalida Ethiopia, ayaa lagu sheegay in la qabtay ganacsato reer Somaliland ah oo hub iyo waxyaale kale iyaga oo si dhuumaal ah uga soo talaabinaya magaalada xadka ah ee Tog-wajaale.

Warku wuxuu sheegaya in laba nin oo magacyadooda lagu sheegay Faysal Good Cabdi iyo  Baashe Maxamed oo ganacsato reer Somaliland ah la qabtay shalay galabtii. Ganacsatadan ayaa lagu qabtay hub iyo qalab kale oo ay ciidamadu isticmaali karaan oo ay ka mid yihiin;
HF Radio [tranreciever 3 and 30 Mhz], qalabka cadeeda korontada ka sameeya iyo xadhkihiisa [3 Solars], baytariyo, 7 xabo oo ah Icom Radio [walkie talkie], 5 Qori oo AK 47 ah iyo Rasaas badan.

Ganacsatada ayaa kolkii ay Boolisku maraan mareen sheegay in qalabkan ay leeyihiin kooxda Jwxo-shiil, lacagna la siiyey si ay dalka u soo galiyeen. Ganacsatadan ayaa sheegay in qalabkan looga soo dhiibay Hargeysa uuna u soo dhiibay nin ay ku sheegeen magaciisa Sulub iyo rag kale.

Good ayaa sheegay in dhawr goor oo hore ay alaabooyin u socda kooxdan keeneen degaanka, dhawrka goorbana looga soo dhiibay Hargeysa.

Somaliland ayaa isku dayeysa si alaale sifihii ay qalalaase uga abuuri lahayd degaanka Somalida Ethiopia iyada ay joogaan boqolal ka tirsan kooxda Jwxo-shiil magaalada Hargeysa.

Waa dhcadadii afraad ee daano ka soo talowda xuduudka Somaliland laggaga hortago degaanka Somalida Ethiopia.

rasaasa.com