Gacan ku Dhiigle Jwxo-shiil, oo Dhagaro Horleh Bilaabay

 

Jwxo-shiil, oo la sheegay in uu ku xidhan yahay argagixisada geeska Afrika, horena dilal badana ugu gaystay dad badan oo Ogadeen ah oo magac ku leh bulshada dhexdeeda.

Jwxo-shiil, oo jiritaankiisu uu dhibaato ku yahay beesha Ogadeen, ayaa waxaa maanta kashifay dilal uu damacsanaa in lagu fuliyo cuqaal Ogadeen ah xubin ka mid ah dadka hore ula shaqayn jiray eegase diiday amarkan oo Maxamuud Ugaas Nuur Gaataa.

Mudan Gaataa ayaa gaadhsiiyey xaajo media qoraal sir ah oo uu doonayey in uu ugu gaysto dil dad caan ah oo ay ka mid yihiin; hogaamiyeyaal, ganacsato iyo mushaa,ikh magac wayn ku leh ummada.

Waxaa hadaba yaab leh kooxda Jwxo-shiil, in kooxda Jwxo-shiil ay sheegto in ay Ethiopia dagaal kula jirto, laakiin runtii waxay dagaal kula jirtaa beesha Ogadeen [UBO ninkii yidhi wuu asiibay].

Dad Ogadeen ah ayaa taageera kooxda Jwxo-shiil, nooca ay doonaan ha ku taageeraane ma aha dad la socda waxa uu ku jiro Jwxo-shiil, waxayna siiyaan xoog iyo xoolaba.

Waxaa wanaagsanaan lahayd in ay ogaadaan dadka taageeraa amarada ugu dambeeyey ee uu bixiyey Jwxo-shiil iyo dadka uu doonayo in la dilo. Hana isweydiiyaan in ay taageerayaan gaal doonaya in uu dilo muftiga diinta Islaamka ugu afka dheer Sheekh Umal.

Si aad runta u ogaataan, waxaad gashaan Liiska ay soo bandhigtay Xaajo Media, oo aad naxaysaan kolka aad aragtaan.

rasaasa.com