Gabay: “Gud-Gude” Abwaan Axmed Sheekh Cali Heelaale

 

HeelaaleAbwaan Axmed Sheekh Cali Heelaale, ayaa bilaabay tix la magac baxday Gudd-gude, oo daba socota tixii Guba. Abwaan Heelaale, ayaa sheegay in Qarni ka dib ay lama huraan noqotay in ay burqato tixda Gudd-gude.
[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/wp-content/uploads/2014/06/Gabay-GuddGude-1aad.mp3]
Gabaygan ayaa ku bilowday tix la mid tii Cali Dhuux Aaden ku bilaabay boqol sano ka hor, waxaynu isha ku hayn doonaa Abwaanka ka jawaaba tixda uu bilaabay Abwaan Heelaale.

Isticmaalka Sugaanta “Gabaygu” wuxuu dhaqanka iyo taariikhda Somalida kaga jiraa baal dahab ah, tirintiisana waxaa loo adeegsadaa dareenka bulshada ka jira.

Gabayga tirintiisa waxaa loo isticmaalaa xaalado kala duwan, kuwaas oo la soo darsa bulshada Somalida, markaas oo tirintiisu ay jawaab u noqoto dareenka bulshada.

Inta la ogyahay Somali dhaxdeeda waxaa jir gabayo dhawra oo taariikhda galay, kuwaas oo ay ka qayb galeen abwaano badan socdayna muddo dheer.

Gabayadaas, waxaa ka mid ahaa tixdii Guba, tixdii Deeley iyo tii Siinley, kuwaas oo taariikh wayn ku reebay dhaqanka Suugaanta Somalida. Waa dhab in ay jireen kuwa taxane ah oo ka horeeyey, nasiib daro ma aha kuwa la duubay.

Waxaynu isha ku hayn tixdan u egg Guba ee uu bilaabay Abwaan Heelaale, sanadka 2014-ka.