Gabalka Qoraxeey oo Yeeshay Isgaadhsiin Casri ah

 

Qaar ka mid ah degmooyinka gabalka Qoraxeey oo ay ka mid yihiin degmada Qabridahare, Shekosh iyo Birqod ayaa maanta xadhiga laga jaray isgaadhsiinta casriga ah ee Telefoonka gacanta [mobile], oo mudo dheer ay hadal haynteedu socotay.

Dadweynaha degaanka Somalida Ethiopia, gaar ahaana dadka ka soo jeeda gabalka Qoraxeey, ayaa si weyn u soo dhaweeyey isgaadhsiinta casriga ah ee maanta laga furay gabalka, taas oo ay hubaal tahay in ay ka qayb qaadan doonto isgaadhsiintani horumarint dhinacyadeeda kala duwan.

Waa gabalkii sadexaad ee hela isgaadhsiinta telefoonka mobile-ka, sagaalka gabal ee uu ka kooban yahay degaanka Somalida Ethiopia. Waxaa hore u helay isgaadhsiintan gablka Banka Jijiga, gabalka Shiniile iyo gabalka Jarar oo isagu helay sanadkan badhtamihiisii. Waxaana ay gabalada kalena rajaynayaan in ay helaan Isgaadhsiinta taas oo ah laf dhabrata horumarka dalka.

Dhinaca isgaadhsiinta jidadka casriga ah ee laamiga ah, iyana waa dhaw ayaa loo sameeyey afarta gabal ee kala ah; Banka Jijiga, gabalka Jarar iyo gabalka Qoraxeey iyo gabalka Shabeele.

Waxaa la filayaa in xili dhaw ay wada helaan korontada joogtada ah afartan gabal ee hada helay jidka dheer ee isku xidha Addis Abab iyo Godey.

Dadweynaha Somaliyeed ee ku nool gabalka Ogaden ee dalka Ethiopia, ayaa in badan waxay ku hoos dulmanaayeen Ethiopia iyaga oo ka oomanaa dhinaca horumarka iyo nolosha, taas oo keentay in dagaalo iyo colaad joogta ay gabalka Ogaden had iyo jeer ka jiraan.

 

rasaasa.com