Gabalada: Qorshaha Shanta Sanow Wax Noo Qabo

 

Jijiga, November 7, 2011 [ras] – Dawlada degaanka Somalida Ethiopia, ayaa aad waxay ugu hiiqsan tahay dedejinta horumarinta degaanka ee qorshaha shanta sano, waxayna ilaa haatan gacanteedu gaadhay  meelaha aan ka fogayn caasimada Jijiga.

Dhabtii, kolka aad dhawrto Jijiga, waxay indhahaagu ku dhacayaan jidka dheer ee isku xidha magagaalooyinka Godey iyo magaalada Addis Ababa ee xarunta u ah dalka Ethiopia. Jidkan oo dhaxda ku dhufta magaalada Jijiga dhinacyadana ay kaga teedsan yihiin tiirarka laydhka, oo ay sudhan yihiin laydhadh cusub oo iftiinkoodu indhaha soo jiidanayo.

Dhismayaal cusub oo isugu jira dhamaad iyo kuwa dhismo ku socdo oo wada dhagax ah, ayaa ku dheraran labada dheeg ee jidka, dhawris mooyee sheeko kaama dhaadhacayso.

Kolka aad jidka marayso waxaad inta badan dhinac uga joogsan dhalinyaro dhar kala nooc ah xidhan oo iskuul ka soo dheelmanaya iyo shaqaale dhafoor fiican oo xidhan dhar dhoobadii dhismmaha ay ka shaqaynayeen dhinacyada kaga dhagan tahay. In kasta oo aadan arkayn cid ku siisa tirada saxda ah ee dadka ku nool magaalada Jijiga, hadana kol waa xusuusan Shanghai iyo Karachi.

Baabuur midabo badan oo biriba nooc tahay, oo qaar boodh iyo habaas bawdyaha kaga yaal, qaarna bidh bidhqayaan basaasna laga dhawray ayaa dhinac walba is dhaaf dhaafaya magaalada Jijiga.

Boolis da,a yar oo xidhan dhar bilicsan oo ay bilado barbarada ka saaran yihiin basarna firimbiga u afuufaya, ayaa kala badh qabataynaya baabuurta iyo dadka buqanaya.

Sharaxaadaas, waxay muujinaysaa in Jijiga uu ka jiro dhqdhaqaaq dhaqaale oo xoog leh iyo isbadal dhinaca nolosha ah. Bil ruuxii ka maqanaada magaalada Jijiga wuxuu ugu laaban isbadal dhinacyo badan ah.

Waxaan iyaga laftigood ka liidan, oo la wadaaga dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo isbadalka nolosha degaanada la dariska ah magaalada Jijiga.

Degaanada ka durugsan xarunta maamulka degaanka Somalida Ethiopia ee Jijiga, waxaa ka jira nolol aad uga badalan tan Jijiga oo aad isweydiin malaha waxaad gashay dal kale.  Arintan waxay astaan iyo dabeecada u tahay maamulada Afrika oo dhaqaalahoodu ku kooban yahay oo kaliya magaalada uu madaxweynuhu fadhiyo.

Intii aan la samayn jidka isku xidha Jijiga iyo Harare sanooyin ka hore, kolka aad Herar dhaafto waxaad dareemi jirtay in aad wadan kale gashay, sida maanta loo dareemo kolka Jijiga laga baxo ee loo socdo dhulweynaha degaanka Somalida Ethiopia.

Jidkan oo aan wali dhamaan iskuna xidha xarunta degaanka Somalida Ethiopia ee Jijiga iyo xarunta labaad ee degaanka Somalida ee Godey, ayaa jira wax dhaqdhaqaaq horumar dhaqaale ah oo ka socda gabalada fog fog ee degaanka Somalida Ethiopia.

Horumarin la,aanta ka jirta gabalada ka fog Jijiga,  dawlada kaligeed masuul kama ah, laakiin wax ugu wacanba waxaan iyaga laftigoodu aan doonayn in ay wax ku daraan nolosha dadka u dhashay gabalada fog fog. Dadku waxay ka jecel yihiin dhisashada degmooyinkooda in ay dhistaan degmooyinka ayna u dhalan sababtuna ma cada.

Dadka qaar baa ku odhan degmadaydu horumar ma leh, sidaas daraadeed hanti ma galin karo. Arinta kale ee aad moodo in ayna dadka dhiiri galinaynin waa dhinaca ciidanka amaanka oo aan garan sida ay dadweynaha ula dhaqmi lahaayeen. Waxayna marar badan Boolisku ku gafaan muwaadiniin aan waxba samayn,  laakiin la tuso in loo awood sheegan karo. Wali waxaa ka jira meelaha ka durugsan Jijiga xukun milatari oo adag, in kasta oo ay dawlada degaanku digniino badan siiso ciidamada, hadana waa yar yahay isbadalku.

Hore ayey dawladu u sheegtay in afar magaalo oo ay Jijiga ku jirto laga dhigay maamul magaalo oo gooni ah, lehna miisaaniyad gooni ah,  si deg deg loogu dhaqaajiyo horumarintooda.
Sanad ayaa laga joogaa intii la sameeyey afarta magaalo maamul, laakiin maamul la magacaabay mooyee isbadal kale wali ma dhicin.

Waxayna ahayd in wax laga qabto dhinaca waxbarashada, caafimaadka, biyaha, jidadka,  shaqaynta sharciga, dhismaha xafiisyada dawlada iyo shaqaalayn intaba.

Dadaal runtii kuma yar dawlada degaanka Somalida, laakiin waxaad moodaa in  ay lugta jiidayaan arimo aan muhiim ahayn oo ka imanaya dhinaca xuduuda iyo dad arkaa fuula oo degan degaanka Somalida, taas oo aad moodo in dawlada dhexe ay mudnaanta siinayso.

Hadii ay arimuhu sidan ay maanta yihiin ku sii socdaan, waxaa suurto gal ah in afarta sano ee ka hadhay qorshaha isbadalka shanta sano ee ay dawladu ku baaqday ay ku dhamaan doonaan sida sanadkan oo kale.

 

rasaasa.com