Gaas oo ku guulaystay madaxtinimada Puntland

 

abdiwaliBaarlamaanka maamul gabaleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxay saaka u doorteen Cabdi Wali Maxamed Gaas in uu noqdo madaxwaynaha maamulka shanta sano ee soo socota.

Doorashada oo ay ku tartamayeen 11 xubnood ayaa wax wareegii saddexaad isugu soo hadhay Cabdi Wali Maxamed Gaas iyo Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, madaxwaynihii hore ee maaulka.

Cabdi Wali Maxamed Gaas wuxuu helay 33 cod oo baarlamaanka ah, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole wuxuu helay 32 cod oo baarlamaanka ah hal codna wuu xumaaday.

Sidaasna waxaa cod dheeri ku guulaystay Cabdi Wali Maxamed Gaas.

Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa kalsooni ku aqbalay go,aanka doorashada.

Nidaamka ay u dhacday doorashada maamulka Puntland, ayaa aad u qanciyay dhamaanba dadka xiiseeya siyaasada Soomaaliya.

Waxaa goob joog ka ahaa doorashada ergayga qaramada midobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, xubno ka socda EU, safiirka Atoobiya iyo xubno ka socda IGAD.

Wareegii koowaad ee doorashada waxaa baxay 8 xubnood waxaana isku soo dhay saddex xubnood oo kala ahaa; Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole, Cabdi Wali Maxamed Gaas iy Cali Xaaji Warsame.

Wareegii labaad Faroole waxaa uu helay 31 cod, Gaas 18 cod iyo Warsame oo helay 16 cod.

 

Waxaa cajiib ahayd in kolkii ay doorashadu dhamaatay uu goobta hadal dheer ka jeediyey wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Kay. Arinkaas oo lid ku ahaa nidaamkii meesha ka socday, wiiqayana awooda dawladnimo ee Puntland. Waxaa xaqiiq ah hadii uu Faroole la dooran lahaa in uusan Kay meesha ka hadleen. Waxaa kale oo si toos ah u soo hambalyey Madaxwaynaha Soomaaliya arintaas oo muujinaysa sida ay dawlada wadaaga ah ee Soomaaliya uga niyo go,osanayd  Dr. Faroole oo fagaaroyaal badan ku fashiliyey.

Waa cusub oo siyaasadeed oo aan la saadaalin karin ayaa saaka Soomaaliya u baryey, kaas oo ay culuskiisa leedahay dawlad gabaleedka Puntland.

Dadka aan la dhacsanayn siyaasada dawlada wadaaga ah ee Soomaaliya, kuma farxin doorashada Cabdi Wali Maxamed Gaas, in kasta oo ay cadaalad u dhacday oo aan la celin karin.

Dalalka dariska oo lug wayn ku leh siyaasada Soomaaliya ayaa xiisahooda lahaa, Kenya waxay aad rajeynaysay in xilka uu ku soo noqdo Cabdiraxmaan Faroole, meesha Atoobiya ay filaysay Cabdi Wali Gaas.

Saamayn kasta oo uu ku yimaado madaxwaynahu, dadwaynaha reer Puntland waxay sugayaan mid fuliya danahooda gaarka ah, kulana dhaqma siyaasad hufan dawlada wadaaga ah ee Soomaaliya iyo dalalka dariska.