Fadlan Nal Fiiriya Beenta ay Dhoobdhoobto Kooxda Jwxo-shiil

 

Fadlan bal nala fiiriya, muuqaalka codka ah ee ay dhoob-dhoobtay kooxda Jwxo-shiil, waxaa lagu jiraa xili kulayl ah, waxaana isu kay qabanwaayey Barafka  Jaakadaha la xidhan yahay ee la gariirayo iyo bisha  June 18, 2010.

Kooxda u qaabilsan beenta kooxda Jwxo-shiil, oo mar walba soo bandhiga wax aan isqabanaynin oo isburinaya. Bal nala fiiriya Muuqaal ay yidhaahden waxaa laga qaaday Banaanbax ay sheegeen in uu dhacay June 18, 2010, magaalada Hague ee dalka Holland.

Siddii aan hore idiinku sheegnay waxaa ka timid kooxda Jwxo-shiil 17 ruux oo uu ku jiro Macalin Diirane, todoba Holland ka timid. Waana xaqiiq arintaasi, waxaa kale oo yimid 10 ruux oo Somalida kale ah, Ormo iyo in Eritrean ah.

Waxaad barataa waa baaskaa, wali kooxda Jwxo-shiil waxay ka waantoobi la,dahay in been u sheega dadka aan fahmi karin sawirada ay ku qurxiyaan kumbuyuutarka. Waa munaafaqnimad ugu xon in aad sheegto wax aan jirin, laakiin waxaa dhab ah in kooxda Jwxo-shiil ay kuligood yihiin dad aan xishood lahayn beenta iyo runtuna ay isku mid u yihiin.

Waxaana arintaas daliil u ah beeno aanu hore idinku soo bandhignay iyo tan baanta, oo la isu geegeeye video la qaaday February sanadkii hore oo ka dhacay dalka Ingriiska shirkii [Global warming] iyo mid isna hore uga dhacay Hague oo aan hada ahayn. Ma xaq baan in dadaka loo soo bandhigo dhaan daban gaale taas macanheedu waxaa weeye sawiro ku dagaalan iyo dadkaaga duudsi.