Faan iyo Faqiirnimo Kala Fogaa!

 

RafaadkaWaxaan in badan araganaa sawiro [posters] ay qaar ka mid ah dadka reer galbeedku la galaan, dadka ku nool dunida dib u dhacday, kuwaas oo wadaaga uun magaca dad, laakiin muuqaal ahaan aad u kala durugsan. Muuqaalka u dhaxeeyaa waa kuwa keentay ay gaajo xagatay iyo kuwa dharag la socda.

Dadka dhagargsan waxay magac iyo taariikh ka raadiyaan sawir ay la galaan dadka gaajadu dubkooda dubatay, laakiin kuwa gaajaysan waxay la ilka cadeeyaan amakaag, waxaa kale oo ay jeclaystaan in ay ku dhawaadaan sawirana laga qaado bilaa ay wax siiyaan. Dadka reer galbeedka kuwooda dadnimada iyo aadaminimadu ku jirto ee sawirka la gala dadka dhibaataysan, waxay ku dadaalaan sidii ay dadkaas ugu yaraan qaarkood u badbaadin lahaayeen una siin lahaayeen nolol.

Hubaal waxaa ah in ay jira dad badan oo ku nool meelo aduunka ah, kuwaas oo aan heli karin xitaa in dad reer galbeed ah ay sawir la galaan, waa quustii ahayd  “Aji ku guursay iyo Ayaankee.”

Degaanka Somalida Ogadeeniya, waxaa uu ka mid yahay meelaha aduunka ugu dhibaatada badan uguna nolosha xun, hadii ay nasiib yeelan lahaayeen, oo ay dadka reer galbeedku iman lahaayeen si ay u arkaan darxumada ka jirta waxaa u diidan Atoobiya.
Diidmo galbeed oo kaliya kama jirto Ogadeeniya waxaa ka jira ciqaabta badan oo keentay in dadku qaadato bahdilka, xuduudu xidhan, ciyaal maandooriye la siiyey baa dil iyo faraxumayn la dabo taagan. Xidhiidh aduun sokeeye iyo shisheeye oo furan cir iyo dhul mid aad sugtaa ma jiro, Abaar iyo Oon ciqaab Eebe Wayne way ka jirtaa.

Sawiro sii Atobiya, madaxda Atoobiya, daa in ay agg-istaagaan dhibaatada gaajo iyo foolxumada ka muuqata dadka Somalida Ogadeniya, xitaa waxay ka faanaan in ay booqdaan oo ay arkaan darxumada ka muuqata shacabka reer Ogadeeniya, taas oo ay ugu wacan tahay u damqasho la,aan aan arxanimo ka dhaxaynin “Atobiya dhulkay rabtaa dadka ma rabto.”

Dadka maamulka degaanka Somalida Ogadeeniya, waxay ka mid yihiin dadka, waana hubaal in dhibaatada facawayn ee ka jirta halkaas in ay si uun u saamaysay waa. Waxaase nasiib daro ah in ay mararka qaarkood muujin in dhibaato jirto laakiin hore u jirtay. In aan dhibaatadii laga bixin waxaa muujinaya sawirada ay la galaan dadka uu dubkoodu dubmay ee hoolmay oo ay dhiiga wadaagaan. Masuuliyiinta moodaya in dhibaatadii laga baxay, marmarka qaarkoodna ogaal la,aan waxyaabo taariikh xumo ah u soo doolaaba dadkooda waa nasiib daro wayna sugaysaa.

Maatida oonka iyo gaajada qosol iyo hadalba gabay in xabada Buskudka ah faan loo siinyo, ama hambada quruurada biyaha loo kabisiiyo, walaahi wax tar ma ah.  Waxaa wanaag u ahaan lahayd iyaga oo kora cabsi la,aan iyo naxdin la,aan jidkii ay abid ku noolaayeen waalidiintooda. Waxatarka Masuuliyiintu waa in ayna ku faanin kolka ay u tagaan maatida gaajaysan ee ku nool degaanka Somalida Ogadeeniya.

“Hadii aadan wax tari karin dadkaaga wax ha yeelin,” Waxyaabaha ay samaynayaan maamulku wuxuu libin u yahay oo golayaasha caalamka kaga faana Atobiya, runtase waa la og yahay “nin la leeyahay wax ma leeyahay”. Waxay tiraahdaa iyagaa ismaaula, waxay soo bandhigtaa sawiro socdaalo dadka la dhex socdo oo lala hadlayo, Liyuu Boliiska oo raashin qaybinaya “waa dhurwaa adhi la raaciyey.”

Tusaale, dabaal dagii Hidhaar 29, [December 8, 2013], Jijiga ka dhacay waxaa fadhiyey 5,000 Somali ah oo wax yar uun xabashiga ka yaqaan. Dad badan baa madasha ka hadalay oo luuqado ayna dadku garanayn ku hadlay, waxaa kaliya oo Af Somali ku hadlay mudane Ismaaciil Cumar Geelle, madaxwaynaha Jabuuti oo si wanaagsan u yaqaan Xabashiga laakiin diiday in uu dafiro jinsigiisa iyo dadka uu la hadalayey.

Intaas ayaa kaaga filan faanka maamulka iyo fiicni baan wadnaada.