Faallo: Horjooga yaashii Soomaray Maamulka Jigjiga ee Ethiopia Maamusho iyo Meelahay ku Kala Danbeeyeen/ C. M. Ahmed.

 

Somali regionMahad dhamaanteed waxay u sugnaatay Allah swt. Mahadnaq kadib waxaan Maqaalkan kullafa guraynaa waxa loogu yeedho Madaxwaynayaal Kilil Mid kasta Markii Xilka loodhiibay iyo Xilligii laga xayuubiyay, Shuruudaha lagu soo xushay Markii hore, inta xabsiga lootaxaabay, inta Baxsatay iyo Meelaha ay ku kala noolyihiin.

Sida lagawada dharagsan yahay Markii uu dhacay Taliskii Mengstu 1991, waxay ku heshiiyeen Jabhadihii wadanka ka jiray Qola walba inay deegaankeeda dawlad goboleed u Samaysato, Deegaankii ku qanci waaya Itoobiya wayn-na in Afti laga qaado 3 sano kadib Shacabkiisa uu arinkaas ku qeexayo.

Ururka ONLF oo Shacabka Soomaalida Ogadenia Majaraha u hayay wuxuu Dhidibada u Aasay waxa Maanta loogu yeedho Kilil-5 wuxuuna Aaminsanaa Ururku Shacabkiisu inuu Codbuuxa ugu Codayn “HAA” Madaxbanaani baan rabnaa. Hase yeeshee Ethiopia oo Arintaasi inay dhici yaqiinsan way Hor istaagtay waxayna ku talaabsatay Xasuuq, Xidhay, iyo Caga Juglayn, waxayna u horseeday Arintaasi inay bilaabato Xabada Maanta Socota uuna Bur-buro Maamulkii Xalaasha ku dhisnaa, badalkiina waxay Samaysay Maamul Xaaraan ku dhisan oo ay u adeegsato Danaheeda iyo Gu’maadka Shacabka.

Mudo 22 sano ah waxaa Kilil-ka Soomaray 11 Madaxwayne, hadii aan Si kale Xisaabta u dhigno isku Celcelis waxay noqonaysaa mid walba inuu Hayay Xilka 2 sano, waxayna ahayd inay Soomaraan ugu badnaan 4 Madaxwayne oo mid walba 5 sano joogo.

Mudadii Xilalkooda:

1-Abdullahi Mohamed Sacdi. waa ninkii ugu Horeeyay ee Madaxwayne ka noqda Dawlad Deegaanka Soomalida Ogadenia waxaana Doortay Baarlamaankii Xalaasha ahaa Taariikhdu Markay ahayd 23-1-1993. Waxaana Xilkii laga qaaday kadib hagardaamo iyo iska horkeen Tigreegu ku dhex abuuray qaybihii kala gadisnaa ee Bulshada Nov-1993. Sacdi wuxuu ka mid ahaa Aas-aasayaashii Ururka ONLF wuxuuna u haajiray Dalka UK, ilaahay Naxariistii Janno haka waraabiyee wuxuu ku Geeriyooday halkaas Sanadkii 2007.

2- Xassan Jire Qalinle (1993—–April 1994). Madaxwayne Qalinle waxaa loo taxaabay Xabsiyada Adis-ababa kadibna halkaas ayay Tigreegu ku Suneeyeen oo uu ku dhintay Ilaahay Naxariistii Janno ha ka waraabiyee.

3- Ugaas Abdirahman Ugaas Muhumed Qani (April-1994—-1995). Ugaas Abdirahman isaga waa danbe ayay Ciidamada Tigreega ee kusugan Magaadada Godey Xabsiga dhigeen Mudo dheer buuna halkaas ku Xidhnaa waxaana laga siidaayay xabsiga Sanadkii 2008 kadibna Markuu Lafihiisa u baqay dalkiiba wuu kasoo haajiray iyo Dadkuu Ugaaska u ahaa.

4- Axmed Makaahiil Xuseen (1995 —-). Ina Makaahiil wuxuu Madaxwayne ahaa 4 bilood iyo badh kadibna intii Xilkii laga Xayuubiyay baa Xabsi la dhigay.

5- Ciid Daahir Faarax (June-1995——Oct-1997). Isaga Ethiopia Mayna ka qaadin Xilka ee Tacadiga iyo nooca uu u dhaqmayo Markay u adkaysan waayeen waxaa Afganbi ku sameeyay Rag uu Hor kacayo Mahdi Ayuub Guuleed. Wuxuuna aaday hargaysa mudo kadib oo wadanka uu kusoo laabtayna Gumaystuhu wuxuu u dhaadhiciyay Xabsiga, waa danbe oo la siidaayayna wuxuu ku laabtay hargaysa.

6- Khadar Macalin Cali (Oct-1997—–Oct-2000). Khadar Markii Xilka laga xayuubiyay kadib waxaa ladhigay Jeelka Ciqaabta badan ee loogu yeedho Jeel Ogaden, Jeelkan oo la dhisay wakhtigii uu Khadar Madaxwaynaha ahaa, waxaana Dhisay oo Qandaraas ku qaatay Ibrahin Xaad, waxaana loogu Abaal guday labadaba inay Jeelkaa mudo dheer dhex yuururaan, oo waxaan Markhaati ka ahay khaddar inuu 2 sano oo kaamil ah ku xidhnaa Meesha Ibrahin Xaadna lagu Xukumay 16 sano inkastoo wakhti dhaw laga siidaayay gurigiisana uu Xabsi guri ku yahay.

7- Cabdirashiid Duulane (Oct-2000——21-July-2003). Tigreegu intay laba guruub u kala jabiyeen Maamulka Jig-jiga sidii ka socotay oo kale maal mihii aan soo dhaafnay halkaas ayay Guruubkii Xoogbatay Xilkii kaga xayuubiyeen Taariikhdaas kor ku Xusan. Abdirashid Xabsi muuna galin intaan ka ogahay, wuxuuna hada kamid yahay Shaqaalaha Safaarada Ethiopia ee dalka UK, waa shaqo lagu ihaanaystay Xataa Qunsul mayna ka dhigin waxayna Cadaynaysaa Arintaas Tigreega inaysan agtooda Macno ugu Fadhiyin Madaxwayne Kilil baan Soo noqday.

8- Cabdi Jibriil (July-2003—– Oct-2005). Guruubaysigii uu Tigreegu ka dhex abuuray Maamulka Jigjiga Kooxdii kur-kur roonaatay Markay Eryeen Abdirashid waxaa Xilkii ku sii Magacawnaa Mudada u Dhexaysa Taariikhahaa Kor ku Xusan Cabdi Jibriil oo ahaa Kuxigeenka Abdirashid. Ina Jibriil waxaa si gaar ah loogu Xasuustaa Xilligii uu ku Magacawnaa Xilkaas Degmooyin iyo Tuulooyinka ugu badan inay Qoomiyada Oramadu la wareegtay.

9- Cabdullahi Xassan Muxumed (Lugbuur) (Oct-2005—Nov-2008). Markii lasoo gaadhay October 2005 isagoo dadku ay aad ugu badinayaan Ninka Madaxwayne Noqonaya inuu yahay ina Fidaar iyo ina Caydaruus midkood ayaa Adis-ababa laga soomagacaabay Abdullahi lugbuur waxaana Amar lagu siiyay Masaakiinta Magaca Baarlamaan huwan ee jig-jiga jooga inay gacanta u taagaan. Markii lasoo gaadhay Taariikhdaa Kor kuxusana waxaa Xilkii looga Xayuubiyay noocii Dhaqanka ka ahayd Jig-jiga ee laba Guruub iska horkeenka ahayd. Wuxuuna u baxsaday oo uu iskaga noolyahay Dalka New Zealand.

10- Daa’uud Maxamed Cali oo ku magic dheer Daa’uud Axmaar (Nov-2008—july-2010). Markii lasoo gaadhay Taariikhdan kor ku Xusan waxaa isna Xilkii looga Xayuubiyay Noocii Caadada u ahayd Maamulkiisa iyo kuwii ka horeeyayba kadibna wuxuu u baxsaday isagoo Xabsi loodiyaarinayo dhanka Adis-ababa oo ilaa hada uu ku nool yahay isagoon Fooda galin Karin Magaalada Jig-jiga.

11- Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi ilay) (July-2010——-). Wuxuu la wareegay Meesha Taariikhdan kor kuxusan kadib Markay Eryeen Daa’uud ilaa hadana isaga ayaa ku Magacaaban, qolyaha Federalka ah ee Adis-ababa ka arimiya waxay damceen in Xilka looga Xayuubiyo Qaabkii noqday wadada Tooraha ah ee waligeed ay Marsiin jireen Horjooge kasta oo Soomara Maamulka Jigjiga Arintaas buuna Salka ku hayay Khilaafkii hadheeyay Bilihii la soo dhaafay Kooxaha Jigjiga oo Federalka ayaa Madaxa isugu dhuftay Kooxdii ay wakiilka uga dhigteen Ogadenia, hase yeeshee waxaad moodaa inay Suurtoobi wayday Awood la’aan iyo Khilaaf xoogan oo u dhexeeya Hailemariam iyo Ciidamada Tigreega awgeed.

Horjooga yaashan aan soo Xusnay waxay isugu jiraan wax wadanka Amaan darro uga soobaxay oo Qurbaha Qaxooti ku ah iyo qaar adis-ababa Xabsi guri ku ah Dhamaantoodna kuma jiro mid Jig-jiga Fooda soo galin kara.

Shuruudaha Gumaystuhu ku soo Xusho Horjoogaha:

Maadaama oo uu dalku Gumaysi ku jiro intii damiir koodu noolaana ay diideen Gibilka Gumaysiga waxay Tigreegu qaadeen wadada Gumayste kasta uu maro oo ah umadaas uu gumaysto inuu ka Xusho dadka ugu dadnimada Xun, ugu dhiiga daran si uu uga dhigo guduntii uu ku goynayay ama ku Garaacayay dadka uu Gumaysto isna uu daabkii u noqdo. Waxayna kala yihiin Shuruudahaasi:-

1-inuu yahay Jaahil dhaga Xidhan, haduuba wax aqoona leeyahayna ay tahay Ethiopianimo uun mid Cabsan oo aad loosoo Carbiyay.

2- inuu yahay Nacam leh aad ugu naga nugul Generalada Tigreega ee kusugan wadanka Ogadenia oo iyagu ah kuwa kafada qiimaynta Saara ninka ay rabaan inuu Horjooge noqdo.

3- inuu yahay qof Macsida ku dheereeya oo khamrida lacaba Generalada jooga Jig-jiga Baararka Dhillooyinka Xabashidana ay aad ugu arkaan.

4- inuu yahay qof qalbi in gagan oo aan naxariis u galaynin Shacabka lagu Gumaadi doono.

5- Xaga Ficilka inuu kayahay Doofaarka oo kale oo hadii hooyadii iyo walaashii Ciidamada Gumaysigu ku hor kufsanayaan aan ka dhiidhiyayn jidhkiisuna danqanayn. Iyo Shuruudo kale oo kuwan ka agdhaw dhamaan shuruudahan aan Xusnayna waxaa 100% buuxiyay Ninka hada Horjoogaha ka ah Jigjiga.

Gabagabadii Shakhsiyaadka ugu Liita inuu Gumaystuhu ka xusho Bulshada uu Gumaysto waxaa kuugu Filan Akhristow Sayid Maxamed C. Xassan wixii uu ka yidhi Mawduucan aan ka hadlayo ee ahaa:

· Allahayow Faranjigii muxuu, Nacas Fariideeyay

· Faa’iida laawe iyo Nin raga muxuu, Faylka wada yeedhshay

· Nimaan Aabihii Fuuli jirin, Faras Muxuusaaray.

By: C. M. Ahmed