Mon. May 23rd, 2022

Jijiga, August 17, 2018 – Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee EPRDF (Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Frront), oo ku galgashay xisbigii uu horay ugu dhiibay talada Deegaanka Soomaalida ee ESDP ( Ethiopian-Somali Democratic Party).

Ka dib kolkii ay xoog kula wareegeen ciidamada Itoobiya dagaanka Soomalida, waxaa lagu khasbay madaxwaynihii hore ee ismaamulka Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi-Iley) in uu iscasilo. Ismala markiiba kulan uu xisbigu yeeshay waxaa madaxwayne meel ku gaadh ah xisbigu u doortay Axmed Cabdi Maxamed (Axmed-Ilkacase).

Labo maalmood ka dib doorashada Axmed-Ilkacase, waxaa Addis Abab looga yeedhay dhamaan xubnaha xisbiga ESDP, halkaas oo looga furay siminaar lagu xuubsiibayo xubnaha xisbiga ESDP.

Ilaa iyo hada xubnaha laga saaray xisbiga waxaa ka mid ah;

  1. Khadar Cabdi Ismaaciil oo ahaa wasiirki ganacsiga,
  2. Maxamed Rashiid Isaaq afhayeenkii baarlamaanka,
  3. Ibraahin Aadan Mahad wasiirkii waxbarashada,
  4. Cabdi-Jamaal Axmed Qaloombi wasiirkii cadaalada iyo xeer ilaalinta,
  5. Ibrahin Cismaan Madaxwaynahii Ismaamulka Dire Dawa
  6. Ibrahin duqa magaalada Jijiga.

Badalaad

Waxaa ilaa iyo hada isbadal jago lagu magacaabay;

  1. Cabdi Xaiin Cigaal oo noqday Madaxwaynaha Ismaamulka Dire
  2. Axmed Shide oo noqday gudoomiyaha xisbiga ESDP ahna wasiirka warfaafinta, lama oga sida uu isughayn doono labadan jago.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa uu isqabqabsi dhinaca afka ah baryahan u dhaxeeya beelaha Soomaaliyeed marka ay isugu yimaadaan goobaha lagu shaaheeyo, laakiin wax lug ah kuma laha isbadalada ay samaysnayo dawlada dhexe.

Sidoo kale, waxaa ilaa shalay magaalada Addis Ababa ku soo qulqulayay, maamuladii gabalada, wasiir ku xigeenadii iyo wax alaale wixii masuuliyad ka hayey dagaanka Soomaalida, halkaas oo qaar badan oo ka mid ah ay waayi doonaan shaqadooda.

Ilaa iyo hada lama oga halbeega ay dawlada dhexe ku kala xulanayso xubnaha xisbiga iyo masuuliyiinta.

Laakiin shaki kuma jiro in halbeegu yahay qaybinta qabaa,ilka Soomaaliyeed iyo sidii ay ugu kala dhuuman lahaayeen mustaqbalka dhaw Jananka Oromo ah ee ka hawlgali doona maagaalada Harar.

By Rasaas