Ethiopia oo Weerartay Xeryo Mucaaradkeedu ku Leeyihiin Eritrea

 

Addis Ababa, Mar 17, 2012 [ras] – Ciidamada Ethiopia oo weeraro hor leh maanta ka fuliyey saldhigyo ay mucaaradka Ethiopia ku leeyihiin gudaha dalka Eritrea, maalin uun ka dib kolkii ay Eritrea ashkato u gudbisay UN-ta weerarka Ethiopia ka fulisay degmooyinkeeda.

Madax sare oo ka tirsan dawlada Ethiopia, ayaa sheegay in ay weerareen waqooyiga Eritrea agaggaarka dhinaca magaalada Badme oo ay colaada labada dal hore uga bilaabatay sanadkii 1998.

“Mar labaad ayaan guulaysanaya. Ayuu yidhi sarkaalku. Werarkani wuxuu qayb ka ahaa weeraro ku talo gal ah, oo isu miisaaman oo uu ka mid yahay kii aanu ka fulinay koonfur-bari Eritrea.”

Ethiopia ayaa khamiistii hore sheegtay in ciidankeedu burburiyey saddex saldhigyo ciidan oo ay isticmaali jireen mucaaradka Ethiopia,  oo ku yaal gudaha Eritrea.

Sarkaalka Ethiopia ma bixin wax faahfaahin oo ku saabasan cida ciidanka Ethiopia yool u ah, laakiin wuxuu sheegay in dawladu ay soo saari doonto faahfaahin maanta galinka dambe.


rasaasa.com