Ethiopia oo Weerar Lama Filaana ku Qaaday Eritrea

 

Addis Ababa, Mar 15, 2012 [ras] – Ciidamada Ethiopia ayaa maanta weerar lama filaana ku qaaday dalka Eritrea, iyaga oo gudaha u galay dalka Eritrea in ka badan 16 KM. Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Ethiopia, waxay ciidamadoodu burburiyeen xeryo ciidan oo ku yaal Gelakalay and Gimbina gudaha dalka Eritrea.

Afhayeenka dawlada Ethiopia Shimeles Kemal ayaa xaqiijiyey in ciidamada Ethiopia maanta oo khamiis ah ay weerareen dalka Eritrea, oo ah meesha laga soo abaabulo weeraro joogta ah oo lagu soo qaado dalka Ethiopia.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay gudaha u galeen dalka Eritrea 16 km, kana soo laabteen kolkii ay burburiyeen xeryo ciidan oo ku yaalay goobaha ay weerareen.

Afhayeenka Ethiopia oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “kama cabsanayno in xukuumada Eritrea ay wax jawaab ah ka bixiso weerarka ay ciidamadanadu ku qaadeen,” sababta ayuu ku sheegay in Eritrea ayna awood lahayn.

Safiirka dalka Eritrea u fadhiya Uururta Afrka magaalada Addis Abab, Girma Asmerom, ayaan wax jawaab ah ka bixin weerarka iyo hadalka ka soo baxay dawlada Ethiopia.

Afhayeenka Ethiopia ayaa yidhi “in kasta oo aanu weeraray Eritrea lagama yaabo in weerar ay soo qaado, laakiin waxaa hubaal ah in ay sii xoojin doonto hubka iyo taageerada ay siiso Al shabaabka Somaliya, waana sababta ayna labo dagaal hal mar u gali karin.”

Qoraal ay maanta soo saartay dawlada Ethiopia ayey ku sheegtay in khilaafka u dhaxeeya labada dal lagu xalin karo wada hadal nabadeed, laakiin dagaalkan maanta ayaa ah sidii lagu dejin lahaa xaalada colaada, kaas oo ah fariin sax ah.

Erirea iyo Ethiopia waxaa dhex maray dagaal lagu hoobtay sanadkii 1998, kaas oo ka dhashay khilaaf ku saabsan xuduuda u dhaxaya labada dal.

Raysal wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi, ayaa baarlamaankiisa u sheegay bishii April sanadkii 2011 in dalkiisu si xoog leh u taageeri doono mucaaradka Eritrea si loo rido hogaamiyaha Eritrea.

rasaasa.com