Wadahadalkii ONLF, oo Lagu Siidaayey Cabdi-nuur Sooyaan

 

Cabdi-Nuur Sooyaan, oo waraysi siiyey Ideecadda BBC-da,  ka dib kolkii laga siidaayey xabsiga Jijiga, wuxuu sheegay  in uu la qaatay heshiiska ay qaateen ururka ONLF, oo uu ka tirsan yahay sababta heshiiska ay qaateena lagu siidaayey. Cabdi-Nuur ayaa yidhi “Itobiya heshiisku waa ka dhab cidna dhibaato u gaysan mayso hadii aniga oo Cabdi-nuur Sooyaan ahba ay siidaysay.” dhagayso waraysiga

Cabdi-nuur ayaa isaga oo si kalsooni leh u yidhi waxaan ka mid ahay waftiga u bixidoona gabalada Somalida Ogadeeniya si aanu ugu sharaxno nabada uu qaatay ururka ONLF. Waxaa kale oo uu sheegay in cwxo ay ku uruurinayaan goobo cayiman oo loogu talo galay in ay ku nastaan inta uu heshiisku socdo, kolka heshiiska la saxiixan waxay noqon doonaan dad laga shaqaalaysiiyo degaanka Ismaamulka Somalida Itobiya.

Cabdi-nuur ayaa waxaa uu sheegay in la siidayn doono dhamaan xubnaha ONLF ee xidhan.

rasaas.com