Ethiopia oo Saudi Arabia u Dhoofisay Muus Dabiici ah, Markii Ugu Horaysay

 

Addis Ababa, Feb 3, 2012 [ras] – Ethiopia oo bilowday dhoofinta muuska dabiiciga dalka Sucuudiga markii ugu horaysay taariikhda. 40 ton oo muuska dabiiciga u baxa ah ayay Ethiopia u dirtay khaliijka si ay u daboosha baahida kordhaysa ee wax soo saarka noocan ah.

Heshiis ayaa loo sameeyey shirkadaha xiisaynaya in ay dhoofiyaan 200 ton ee muuska Ethiopia ah todobaadkiiba suuqa Jeddah.

An agreement is being draw up with a company interested in exporting 200 tons of Ethiopian bananas per week for the Jeddah market.

Currently 3100ha of land in Ethiopia are dedicated to organic banana production, with over 11,400 farmers making a living from the industry.

Wakaalada horumarinta beeraha Ethiopia, ayaa si adag uga shaqaynaysa sidii ay u horumarin lahayd tayada midhaha beeraha Ethiopia si ay u korodhiso dalabka ka imanaya suuqyada caalamka. Wakaaladu waxay Koonfur Afrika ka keentay laba nooc muus tayo fiican oo kala duwan leh.

Muuskan Sucuudiga loo diray kolkii ugu horaysay ayaa loo arkaa arin balanqaad leh oo horumar weyn.

Midhaha dibada loo dhoofiyo dalka Ethiopia ayaa aad u kordhaya sanooyinkii ugu dambeeyey. Arinkaas oo astaan fiican u ah horumarka Ethiopia ee soo kordhaya.

 

rasaasa.com