Atoobiya oo Inkirtay Eedaynta Afduubka ONLF, ee Nairobi

 

Afhayeenka dawlada Atoobiya Shimelis Kemal, ayaa maanta u sheegay (AP) Association Press, in uuna wax war ah ka haynin eedaynta afduubka xubnaha ONLF, ee Nairobi.shemless

Dhawaan ayey ahadyd kolkii uu Ideecada VOA-da waraysi uu siiyey la taliyaha madaxwaynaha degaanka Somalida Atoobiya Cabdi Nuur Yare, oo sheegay in Sulub iyo Ali, ay joogaan degaanka, kuna yimaadeen wadahadal lala galay.

Hore waxaanu u qoray in dhacdadda Nairobi ay cid walba cabsi galinayso. Arinta Nairobi ka dhacdayna ay bah-dil ku tahay masuuliyiinta Somalida Kenya, kuwaas oon difaaci karin ruux Somali ah.

Waxaa kale oo aan sheegnay in hadii arintu xumaato, ay Atoobiya inkiri doonto eedana ay saari doonto degaanka. Waana sida maanta dhacday.

Waxaase iswaydiin leh waxa ay masuuliyiinta degaanku ku qancin doonaan dadwaynaha. Marka ay ku sifoobaan; Been, Awooda la,aan, Arxan daro iyo Xuquuq raadasasho la,aan.

Red Cross, ayey Atoobiya ka saartay gabalka Ogaden 2008, kolkaas ayay ku andacootay in Cabdulahi Lugbuur ka saaray degaanka, Atoobiyana ayna la socon arintaas.