Ethiopia: Oddoras Atobiya in ay Eedi Isbalaadhinta

 

ethiop-somaliaJijiga, Apr 9, 2014 – Qormadii tan ka horaysay waxaynu ku soo qaadanaya, isbadalka dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay Atoobiya ku talaabsatay 20-kii sano ee u dambeeyey iyo sababta u horseeday guulahaas.

Qaramada aduunka jira ee xiligan la aqoonsan yahay waa 206, marka lagu daro Ogadeeniya, 190 ka mid ah waa qaramo la aqoonsan yahay, meesha 16 ay yihiin kuwa ay doodi ka taagan tahay jiritaankooda. 7 wadan oo ka mid ah 206 wadan, waxay bixiyaan masaariifta 199-ka kale. Isbadal kasta oo ku yimaada dalalka ku yaal dunida saddexaad, waxaa saamayn ku leh dalalka todobada ah, danaha ay ka leeyihiin dartood iyo dabacsanaanta ay muujiyaan xukuumadaha dunida saddexaad.

Qormada maanta waxaan ku qaadaa dhigaynaa isbalaadhinta Atoobiya iyo waxyaabaha horyaal. Atoobiya oo sidaan sheegnay isbadalkeeda dhaqaale iyo siyaasadeed uusan ahayn mid dalka ka dhashay balse ah mid siyaabo kala duwan dibada looga soo safriyey. Isbadalka noocaas ah, waa mid xili ku egg oo ay wax yeelayn karto turunturo yari, sida ka dhacda dalal badan oo dunida saddexaad ah.

Atoobiya, waxay ka kooban tahay qoomiyado badan oo ay kala duween; diin, dhaqan, afba iyo dhalasho, kuwaas oo uusan ka dhaxayn kalgacal walaaltinimo, laakiin ay mar walbka jirto awood xukun oo xoog isgu haysa.

Qoomiyadaha xukunka kala rita waa labo qoomiyadood oo ah qoomiyadaha dega dhulka sare ee Atoobiya [Xabashi iyo Tigray], oo kala gala dhinaca tirada 2aad iyo 4aad.
Qoomiyada ugu badan Atoobiya oo ah qoomiyada Oromada, waa qoomiyad ay si xoog leh u dhex gashay qoomiyadda Xabashidu, kana lumisay jiritaankii umadnimo. Taas oo tiradeedu faa,iido u tahay kolba qoomiyada xukunta Atobiya sida Axmaro iyo Tigray.

Qoomiyada 3aad waa qoomiyada Ogadeeniya [Somali], qoomiyadan waxay iyadau ka sii dambaysa qoomiyadaha ugu yar Atoobiya. Waayo waligeed waxba lama wadaagin Atoobiya, waxayna dadka reer Ogadeeniya xidhiidh dhinac walba ah la wadaagaan dalka iyo dadka Somalida ah ee ay dhinaca iskuhayaan.

Atoobiya mudada 20-ka sano ah ee dhaqaalaheeda iyo siyaasadeedu koraysay waxaa ugu wacnaa dhimashada Somaliya, oo ay ahaayeen labo dhoon-horaad oo isceshada.

Atoobiya, waxay 20kaa sano dhuxa iyo caloosha u gashay dadka iyo dalka Somaliya iyo qabaa,ilada ay wali ka dhex jirto noloshii miyigu, arintaas oo ay Atobiya si xoog leh uga faa,iidaysatay iyada oo kaashanaysa dalalka reer galbeedka oo uu xidhiidh fog ka dhaxeeyo.

Arimaha muhiimka ee saamaynta ku yeelan doona koboca dhaqaale iyo siyaasdeed ee Atobiya, waxaa ugu horreya doorashada ka dhici doonta Atobiya May 2015.

Meles-dhimay, Masar iyo wabiga Nile, Turki iyo u tartarnka geeska Afrika, Gobonimodoonka Ogaden, Koonfurta Suudaan iyo danaha Yugandha.

Doorashada Atobiya la sugayo in ay ka dhacdo May 2015, waxay saamayn wayn ku yeelan kartaa siyaasada Atobiya ay ku soo jirtay 23kii sano ee ugu dambeeyey. Awooda maamul ee Atobiya waxay mudo 23 sano ah gacanta ugu jirtay ururka TPLF [Tigray], oo huwan magaca EPRDF, oo ay ku bahoobeen afar qoomiyadood oo kaliya, kuwaas oo hadhsanayey hogaamintii Meles Zenawi.

TPLF mooyee saddexda urur ee ku jira dalada EPRDF, waxay aaminsan yihiin in ururka TPLF [Tigray], qaatay qaybtii uu ku lahaa xukunka Atobiya, xiligana ay tahay xiligii uu xukunka qaban lahaa xubin ka socda mid ka mid ah saddexda urur ee TPLF kula midoobay dalada EPRDF, dabcan Axmaara.

Taa waxaa ka horjeeda ururka TPLF [Tigray], oo aaminsan in gar iyo gardaraba TPLF [ Tigray] tahay xaqalaha hogaaminta Atobiya, iyada oo huwan afkaartii hogaamiyihii hoyday ee Meles Zenawi.

Isbalaadhinta: Ciidamada Atobiya waxay isku balaadhiyeen Somaliya, iyaga oo sita garbo galaha AMISOM. Ka mid noqoshada AMISOM ee ciidanka Atobiya, waxaa sabab u ah khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Atobiya ee biyaha wabiga Nile. Iyo ururka ONLF, oo ay Atobiya aaminsan tahay in uu ka biyo cabo Somaliya.

In kasta oo ayna Masar ciidamo ka joogin Somaliya, hadana Masar iyo Somaliya waxaa ka dhaxeeya xidhiidh fog oo walaaltinimo oo aan qotadiisa la siibi karin. Taas oo ay Atobiya ka shakisan tahay in hadii khilaafka Masar ka dhaxeeya uu sii xumaado ay Masar isticmaali karto Somaliya, oo ay colaad aan qotodeeda la bogsiin karin ka dhaxayso Atobiya waa haysashada degaanka Somalida [Ogadenia].
Hadii aan la daawayn khilaafka Masar iyo Atobiya furinta 2aad ee ay labada dal isku fara saari karaan waa Ogadeeniya, furinta saddexaadna waa Eriteria. Hadii dagaal ka dhex dhaco Masar iyo Atobiya, waa cadaan in labada furimoodba laggaga adkaan Atobiya. Furinta kowaad waxay noqon kartaa diyaarad amd Sudan.

Dalka Turkiga, oo isagu wada isbalaadhin dhaqaale, kana quustay soo dhawayn uu ku galo barwaaqo sooranka Yurub [EU], waxaa uu gacan siin dalalka leh xeebaha sida Somaliya iyo Eriteria, kuwaas oo fidin kara Isbalaadhintiisa dhaqaale iyo awooda dunida muslimka.

Dalka Yugandha oo xiliyadii hore saaxiib wanaagsan la ahaa Atobiya, ayaa haatan baratan siyaasadeed oo milatari kula jira Atobiya, waxayna ciidamo tiro badan ka joogaan koonfurta Suudaan iyo Somaliya. Waxaana baratanka Yugandha sababay hunguri dhaqaale oo ah shidaalka koonfurta Suudaan iyo dhaqaalaha lagu siiyo ciidamadooda sii joogida Somaliya, taas oo keeni karta in ay talo wadaag la noqoto Somaliya.

Khilaafka Masar iyo Atobiya oo keenan gacan ka hadal Yugandha, waxay dhinaca saari Isbahaysiga Masar hogaamiso, si ay awood ugu yeelato Koonfurta Suudaan.

Gabalka Ogaden oo taariikhada colaadiisu dabo dheeraatay, Atobiyana meeshii ay awal hore taagnayd ka fogaatay shidaalka Ogaden dartiis. Waxaa muuqanaya dano caalami ah iyo hunguri shidaal oo masuugsan sida ay Atobiya ula dhaqanto shacabka Somalida [Ogadeeniya], oo aan raaligalin la,aan shidaalka laga manaafacaadi karin.

Ugu dambayn isqabqabsi siyaasadeed oo ay sababto doorashada Atobiya 2015, khilaafka Masar ee biyaha wabiga Nile, danaha Yugaandha ee koonfurta-Suudaan iyo isbalaadhinta Atobiya ay ku gashay Somaliya oo la isugeeyo waxay lid ku yihiin kobaca dhaqaale ee ka jira Atobiya.