Ethiopia: Cabdiraxman Gurey oo Loo Magacaabayo Qusul

 

Jijiga, November 03, 2011 [ras] – Warar hor dhac ah, ayaa sheegaya in Cabdiraxman Gurey Qusul loo magacaabayo. Dhawaan ayey ahayd kolkii Gurey, uu lumiyey jagadii wasiirnimo ee dawlada dhexe oo uu degaanka Somalidu helay, ka dib heshiiskii ONLF la gaadhay dawlada dhexe.

Md Guray, ayaa gadaal ugu soo laabtay degaanka Somalida Ethiopia, oo ah meesha kolkii hore laga magacaabay eegana ay tahay in shaqo laga siiyo.

Hadaba, waxaa ka jira degaanka Somalida Ethiopia hadal hayn badan, oo ku saabsan in Cabdiraxman Guray la sugayo in loo magacaabo qusul dal ka mid ah Yurub.

Waxaa kolkii hore soo yeedhay in Dr. Suldaan Wali, laga yaabo in loo wareejiyo xaga dhinaca dawlada dhexe, jagadiisana uu Cabdiraxman Gurey qabto.
Waxaa hada soo baxday jawaab ah in ayna jago wasiirnimo ka banaanay dawlada dhexe, taas badalkeedana waxaa jira dhawr jago oo ka banaan wasaarada arimaha dibada, kuwaas oo ah qusuliin.

Tan iyo intii uu madaxweynaha dawlada degaanka Somalidu soo gaadhay Jijiga, wuxuu ku jiraa wada tashi masuuliyiinta golihihiisa maamul.

Waxaana la filayaa in dhawaan ay soo baxaan magacyada qusulada loo kala dirayo 6 dal oo kuligood Somali ah.

rasaasa.com