Erayada ku Cusub Afka Somaliga ee Laga Isticmaalo Dalka Somalida Ogadeeniya iyo Dariskaba

 

Sidda uu dadku horumarka u samaynayo ayey wax walba oo noloshneena la xidhiidhaa u sameeyaan horumar, horumarkaas oo aanay dadku wada arkin, laakiin ay ku dhaqmaan, waxaa ay qaadataa sanooyin dhawra in si dhab loo aqoonsado loona isticmaalo.

Waxaynu qormadan ku eegaynaa erayada cusub ee ku soo biiray afka Somaliga ee eeggana aadka looga isticmaalo dhulka Somalida Ogadeeniya una gudbay Somaliya. Dalalka horumaray waxay qoraan oo ay uruuriyaan erayada cusub sanad walba iyaga oo galinaya buugaagta laga baadho erayada [dictionaries], isticmaalkooduna waxaa uu ku xidhan yahay sida ay bulshadu u hirgaliso, waxaa kale oo sidaas si la mid ah luma sanad walba erayo hore loo isticmaali jiray.

Erayada Cusub ee ku soo biiray Somalida Ogadeeniya waxaa ka mid ah, Jwxo, ONLF, Daboqoodhi [daba-qodhiye], Kilal, Woyyaane, Somalida Ogadeeniya iyo Jwxo-shiil, erayadan waxaa ay caan ka noqdeen degaanka Somalida Ogadeeniya iyo dalka Somaliya. Waxaa kale oo jira erayo iyagana laga isticmaalo dalka Somalida Ogadeeniya, kuwaas oo aan wali caan noqonin sida; UBO, Jwxo-shiilo [qabiil ku jabhad], Nabadiid, Dhidid dhawr, Liyuu Boliis iyoTadaaqi.

Waxaanu jecellahay in aanu macnayno labada eray ee aan is leenahay way ugu caansan yihiin uguna dhibaato badan yihiin bulshada dhexdeeda, kuwaas oo ah Daboqoodhi [dabo-qodhiye] iyo Jwxo-shiil.

Erayga dabo-qodhiye oo ay bulshadu aad ugu taqaan Daboqodhiye, waxaa uu ka mid yahay erayada ugu da,ada weyne ee hir galay sanadkii 1994, Erayga waxaa kolkii ugu horesay isticmaalay gabdho reer Qabridahare ah, oo Jabhada ONLF si hoose ula shaqayn jiray iyaga oo degan magaalada Qabridahare. Gabdhuhu waxay jabhada u qaabilsanaayeen dhinaca taakulaynta, waxay u gayn jireen Jabhada lacag, raashin iyo sonkor ay ka uruuriyeen magaalada, xagay gudbin jireen sahaydan xiliyada habeenkii ah. Gabdhuhu waxay talaabo ka qaadi waayeen niman Jaajuusiin ah oo la shaqayn jiray ciidamada gumaysiga, waxay ku soo horqaadi jireen ciidamada booliska guryaha ay gabdhuhu degan yihiin, kolka guriga la soo gaadho Jaajuusiintu waxay dabo istaagi jireen booliska iyaga oo iska dhigaya sidii dad ula socda turjubaanimo.
Gabdhuhu way fahamsanaayeen in ay yihiin turjubaanadu Jaajuusiin soo horqaaday booliska, kolka goobta la yimaadan dabo istaaga booliska kolkaas ayey gabdhuhu dhaheen [daba-qodhiye], eraygaas oo muddo ayna fahmaynin Jaajuusiintu, ayaa xiligan laga isticmaalaa dhamaan geeska Afrika.

Erayga Jwxo-shiil, oo aad u da,a yar ayaa isaguna ah erayada aad caanka u ah, waxaana markii ugu horesay ee uu soo baxo ay ahayd sanadkii 2004, waxaana kolkii ugu horaysay ku dhawaaqay Maxamed Cabdi Yaasiin [Diirane], waxaana hirgaliyey xubnihii ugu muhiimsanaa golaha dhexe iyo gudiga fulinta ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo].

Jwxo-shiil, hadaad maqashaan waxaa loola jeedaa Maxamed Cumar Cismaan, sababta loogu bixiyeyna waxaa ay ahayd xumaan uu samaynayey xiligaas. Jabhadu waxaa ay ku dhisantay oo ay ku dhaqantay sharci, Cumar Cismana sharci buu ku yimid madaxtinimada ururka Jwxo, hadaba kolkii la gaadhay xiligii la qaban lahaa shir lagu xulanayo cidii qabanan lahayd hogaanka Jabhada, ayaa waxaa lagala quustay si kasta oo loola hadlay Cumar Cismaan in uu raaco shuruucda Jabhada. Xubnaha magaca bixiyey waxay ka xishoodeen in ay khilaaf kala horyimaadaan oo uu halganku noqdo mid la isku khilaafo deedna seega ujeedadii loo abuuray, sidaas ayey dhalinyaradu u yidhaahdeen kani waa kii Jabhada Jwxo shiili lahaa [Jwxo-shiil].

Magac bilaash ma baxo, beeri yaambo la,aan ma falanto, balaayana ma qarsoonto. Jwxo-shiil ruuxa uu yahay xiligan waa laga yaqaan geeska Afrika, waxaa ay Somali oo dhan ka daawatay 5 sano ka dib magacii lagu xantay in uu noqdo magaciisa dhabta ah ee ay dadweynuhu u yaqaanaan.
Labada eray ee Daboqoodhi iyo Jwxo-shiil, ayaa isku micne ah oo mid waliba uu lid ku yahay jiritaanka Jabahada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo].

Arimaha bulshada
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo