Ehelu-Sunaha Somaliya oo Atoobiya u Dhiibtay ONLF

 

onlfGudoomiyaha degmada Guurceel ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay qabteen saraakiil ka tirsan ururka ONLF, kuwaas oo ay u dhiibeen Atoobiya. Saraakiisha ay dhiibeen waxaa madax u ahaa nin lagu magacaabo Muxumed Anni.

Waraysiga VOA, ee Gudoomiyaha degmada Guurceel, ayaa beeninaya sheeko uu dhawaan fidiyey Ismaamulka Somalida Itoobiya [ISI]. ISI, ayaa hore u sheegay in 5 sarkaal oo ONLF, oo uu wato Muxumed Anni ay isu soo dhiibeen.

January 26, ururka ONLF, ayaa sheegtay in Itoobiya ay Nairobi ka soo afduubtay labo sarkaal oo ONLF, oo kala ah Sulub iyo Cali-dheere, kuwaas oo Nairobi u joogay wadahadal ay sheegeen in uu u dhaxeeyey Jabhada ONLF iyo Itoobiya.

ISI, ayaa sheegay in labada sarkaal Sulub iyo Cali-dheere, ay isa soo dhiibeen warbaahintana ay la hadli doonaan. Afhayeenka dawlada Itoobiya Shemiles Kemal, ayaa isagu beeniyey sheegashada ISI, sheegayna in ayna Itoobiya ka warhayn eedaynta ONLF.

ISI, ayaa dhawr maalmood ka hor sheegay in ay isa soo dhiibeen 5 sarkaal oo ONLF oo uu wato Muxumed Anni, ka dib kolkii ay la xidhiidheen Sulub iyo Cali-dheere oo ay hore ISI u sheegtay in ay isa soo dhiibeen.

Sulub iyo Cali-dheere, waxaa la cadeeyey in iyaga oo dhaawacyo xun xun, oo jidh dil ah qaba ay yaalaan Isbitaal military oo ku yaal Addis Ababa.

Waxaa iyaduna haatan xaqiiqo ah in Muxumed Anni iyo saraakiishii la socotay, loo gudbiyey Addis Abab, laakin wali lama sheegin in jidh dil loo gaystay iyo in kale.

Ismaamulka Somalida Itoobiya [ISI], ayaa ka faa,iidaystay dad ka cadhaysan dhaqmaadka maamulka sare ee ONLF. Waxayna sheegeen in ay badalayaan nidaamkii ay kula dhaqmi jireen mucaaradka iyo dadwaynahaba.

Waxaa muuqata in aan la aamini karin ISI iyo Itoobiya, hadal iyo ficil midna, waayo beenta aad sheegto maanta bari ayey kaa daba iman. Waa arin wanaagsanayn in shacabkii aad masuulka ka ahyd aad been ku maaweeliso.

Waxay marmar badan balan qaadeen in ay siidayn doonaan kumanaan dhalinyaro ah oo sanooyin badan ku jira Jeel Ogadeen. Waxaa kale oo ay sheegeen in kuwa duurka ku jira loo gacan haadin si nabadgaliyo ah, laakiin waxaa cad in maanta ayna jirin meel lagu nabadgali karo geeska Afrika.

Waxaana iswaydiin leh waxa xigi doona ugaadhsiga ay Itoobiya ku hayso geeska Afrika kolka ay afmeerto. Afmeerka Soomaali waa waxa Itoobiya u gashay AMISOM.

ONLF, in la qabto, la dilo iyo waliba in Somali u ugaadho Itoobiya, ma aha arin cusub ee waa mid soo jirtay 20-kii sano ee ugu dambeeyey. Waxaana xumaantaas oo dhan ka wayn ujeedada fog ee uu ururku leeyahay, kaas oo hubaal ah in uu mar iman dhawaa iyo dheeraaba.

Waxaa taariikh xumo ah una baahantahay ummada Soomaalidu in ay bal akhrido taariikh xumadeeda iyo waliba waxa ay ku dambayndoonto.

1994, ayey ahayd kolkii Maxamed  Sheekh Muxumed Iraad, ay sirdoonka Itoobiya ku toogteen badhtamaha magaalada Muqdishu.

1996, Waxaa Hargeysa laga dhiibay  lix sarkaal oo ONLF, oo ay ka mid ahaayeen;
1. Gadh-jubi,
2. Cabdullahi Deex Xaliye,
3. Maxamuud Axmed Nuur
4. Cabdullahi Qaaje.

1999, waxaa Hargesya laga qabtay sadex sarkaal oo ONLF.

2003, waxaa hargeysa laga qabtay 34 ruux oo shacab iyo taageerayaal ONLF isugu jira. Magacyada waan soo qori doonaa.

March 20, 2005, waxaa Hargeysa laga qabtay 31 ruux oo shacab ah iyo taageerayaal isugu jira.

1.Maxamed Cabdi, 24 jir ,,Hooyo Saxan Adan
2.Ibrahim Axmed Cabdi,28jir,Hooyo Seynab Xasan
3.Aadan Jibriil Xirsi,,, 30 jir, Hooyo Maryan faarax
4.Mukhtaar Muxumed Ibarahim, 28 jir Qamar Xusen
5.Cabdi Muxumed Digaale,22 jir, Faadumo Axmed
6.Muxumed Cabdi Khalif,22 jir,,Fadumo Axmed
7.Maxamed Axmed Maxamed,(Duceysane),26jir, Fadumo Maxamed
8.Saatir Yusuf Ibrahim, 26 jir Sahra Muxumed
9.Saxardiid Xuseen Cabdullaahi,23 jir Xaliimo Aadan
10.Maxamuud Muuse Xasan,20 koos Xaashi
11.Maxamuud Cabdi Aadan(Wagad),17 Hooyo Ardo Cabdi
12.Cali Cabdullaahi Cumar,19 Hooyo Aamina Muxumed
13Muxyaddiin Daahir Muxumed,24 jir, Hooyo Faadumo Baddal
14.Cabdi Abiib Axmed,25 jir Hooyo Xaali Xaaji Cali
15.Cabdi Maxamed Cabdi,22 Sukeena Aadan
16.Cabdullahi Axmed Daahir(Jamac), 23 jirSaxan Cabdi
17.Cabdullahi Yusuf Axmed(Godane),32jir Hooyo Dheeg Axmed
18.Cabdi Axmed Muxumed,24 jir, Xaali Xaasan
19.Xasan Muxumed Cabdi (Keyd),23 jir Hooyo Seynab Cismaan
20.Cabdi Fataax Faarax Cabdi,22 jir Ardo Oomaar
21.Axmed Maxamed Xuseen(Kuukiyo),30 jir, Hooyo Ardo Macallin
22.Cabdi Maxamed Cabdii,21 jir Hooyo Xaawo Faarax
23.Maxamed Cabdi Xuseen, 24 jir, Cariisha Sheekh Muxumed
24.Ayaanle Maxamed Cali,24, Hooyo Xaliimo Maxamed
25.Maxamed Maxamuud Maxamed(Deeq),29, Hooyo Ceebla Madar
26.Xuseen Cali Axmed, 24, Hooyo Caasha Cali
27.Maxamed Deeq Khaliif,(Tiitiin),21 jir, Sahra Cabdi
28.Cabdullaahi Cabdi Axmed, 29 jir, Hooyo Caasha Cismaan
29.Xuseen Cabdi Cismaan(Carlos), 35 jir, Ruqiya Cali
30.Axmed Khaliif Ciilmooge, 27 jir Hooyoo Ruqiyaheekh Cali
31.Cabdiraxmaan Dayib Cabdi,22 jir, Hooyo Faadumo Axmed

Augusto 2007, Hargeysa waxaa lagu qabtay oo Itoobiya loo dhiibay dad u dhashay gabalka Ogaden oo ay tiradiisu gaadhayso 12 ruux oo macalimiin ah.

April 22, 2008 Puntland waxay dhiibtay labo Sarkaal oo ONLF ah. Wasiirka arimaha dibada ee Puntland, Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa xaqiijiyey.

1. Cabdin-nuur Maxamed Sooyaan
2. Dhiire Caafi Cilmi

May 1, 2008, maamulka Puntland ayaa dhiibay dad oo u dhashay gabalka Ogaden

Mr. Abdinur Siyad, aged 31 years.
Mr. Ali Yare Haibe, aged 29 years.
Mr. Dhuhul Guhad Adan Farah-Good, 27 years old.
Mr. Abdi Barre Kayse, 30 years old.
Mr. Omar Sh Mohamed (Dabaqodhi), 31 years old.
Mr. Ibrahim Hashi, 33 years old

May 12, 2008, Puntlan Garoonka diyaarada ka qabatay 5 dhalinyaro ah, waxaana isla markiiba loo gudbiyey Galkacyo, ka dib gadood odayaasha reer Bosaaso, waxaana dib loogu soo celiyey Boosaaso oo ay ilaa iyo hada ku xidhan yihiin, magacyadood wali lama hayo.

May 13, 2008, Hargeysa waxaa laga qabtay labo wiil oo aad u da,a yar waxaana loo dhiibay Itoobiya. Labda wiil iyo xaasaskoodaba waa la dhalay, Magacyadoodana waxaa la yidhaahdaa;

1. Xariir Maxamuud Dool
2. Cabdirisaaq Xuseen

June 19,2008, Waxaa Waqooyi galbeed lagu xidhay labo wiil oo u dhashay Degaanka Somalida Ogadeeniya, waana suurto gal in loo sii gudbiya xaga.

1. Xasan Sheekh Ahmed Nuur Cali
2. Abshir Mahdi Siraad

September 2009, Somaliland oo Itobiya u gacan galisay 2 wiil oo ka soo jeeda Somalida Ogadeeniy. 

October 22, 2009, Puntland, oo qabatay shan dhlinyaro ah oo ka yimid Yeman, oo mid ka mid ah Itobiya u gacan galisay, 4 ka mid ahana xabsiga boosaaso dhigtay, dabadeedna mid ka mid ah Maxaabiista uu xabsiga ku dhintay.

1. Faseex Cataab Cali
2. Maxmed Xasan Muuse
3. Maxmed Sheekh Badri
4. Cabdulaahi Xasan Cali*dhimasho
5. Cabdi Maxmed Xasan (Cabdi Teerso)*dhiibid,

FG. Waxaanu dhawaan soo daabici doonaa liisto dheer oo ku saabsan siyaasada Atoobiya ee ku aadan Somaliya, taas oo ka  ilmaysin doonta  wadaniga Somaliga ah.