Eedaysanoow Waa Lagu Arkaa Waana Lagu Ogyahay!

 

Khaa,inku in kasta oo uu is qari yidhaahdo, amarka Eebe weyne isma qarin karo oo maalin maalmaha ka mid ah ayaa dhagta la soo qabtaa, wuxuuna ogaan in wixii uu galay oo dhan maalintaas iyada ah laga gooyn, ma dafiri karo dambi markhaati loo hayo, ma baxsan karo oo gacan buu ku jiraa, kolkaas waxay ku cataabaan [Yaa Leeylatanii Kuntun Turaaban]

SIDAANU HOREYBA IDIINKU BALLANQAADNEY In aanu idiin soo gudbino dadka hagardaamada iyo dhibaatada ku haya halganka shacabka soomaalida ogaadeenya iyo kuwa iyagu baalal wacalaynaya.
Hadaba, Amaraka Eebe weyne waxaa fag la soo siiyey, dad aan hore looga warhaynin oo dhibaato weyn u gaysanayey halganka oo ay baalal wacalayntoodu badnayd. Waxaana dadkaas lagu ogaaday shir kooban oo ay isugu timid kooxda Cawro-qaawan JULY-4 -2009, oo ka dhacay MINNEAPOLIS,MN USA , kaas oo ay ka soo qaybgaleen dad aad u tiro yar, oo kooxda KHAATUMO-XUN laftigoodu ay isku kohdeen iyaga oo leh shirkan oo aan abaabulayney mudo dheer waa wax laga xumaado in ay intani ka soo qaybgasho, waxaan soo xasuustey maahmaahdii aheyd [WAN WAYNI ILAA LA GAWRACO INDHIHIISU CIRKA MA’ARKAAN] SOO  wax aad loola yaabo maahan in MR GARAABO iyo kooxdan Cawro- qaawan looga yaqaan USA in ayna wali garanin in ay bulshadu fahamtey.

MOHAMUUD NUUR[MR GARAABO]IYO KOOXDA KHAATUMO-XUN  aad ayey  ugu calaacaleen khudbadihii ay ka jeediyeen shir ku sheega  iyaga oo aad uga xun ogaanshaha ay bulshadu ogaatey dunuubtii ay ka galeen iyo iyaga oo heliwaayey qaaraamaadkii loogu talo galey halganka ee la ogaadey in ay ku garaabeeyaan oo kaliya, waxeyna balan qaaden in ay badalayaan hanaankii ay ku hawlgalaan jireen iyo in ay aag badashaan oo ay yareeyaan hawlgalkooda MINNEAPOLIS maadaama laga fahmey Minneapolis, oo ay hawlgaladooda u wareejiyaan gabalada ay dadku aadka ugu yar yihiin ka dib markii ay ku fashilmeen meelaha ay dadku ku badanyihiin sida MINNESOTA,CALIFORNIA IYO OHIO.

Midmid ayaanu idiinku soo gudbindoonaa magaalooyinkan ay khaatumo-xun u baxsadeen ka dib guuldarooyinkii ay kala kulmeen meelahaa aan kor ku soo sheegney.

Hadaba, Waxaan ku horeynaynaa CHICAGO,IL oo uu joogo nin ku caanbaxey JAAJUUSNIMADA,QABYAALADA, KHAYAANADA, ISKU DIRKA iyo MUNAAFAQADA WAA MOHAMED-RASHIID SHEEKH ABDULAAHI.

maanta bal aan dulistaagno taariikhda madow ee aan la soo koobi karin ee JAAJUUS,JIRJIROOLE ASHAHAADO LA DIRIR MOHAMED-RASHIID SHEEKH CABDULAAHI oo ah nin TAXSIILE ka ah magaalada CHICAGO, ninkaas oo ah nin cimriyey oo aan lahayn tin madow ayey tahey sababta uu chicaago taxsiilaha uga yahey isaga oo leh LABA XAAS oo u kala dagan INDIANAPOLIS,INDIANA iyo KANSASCITY,MISSUORI, xaasaskiisuna isma oga sababtaa darteed ayuu u yiri waxaan taxsiile ka ahey chicago si aan dhaqdhaqaaqiisa loola socon oo ay xaasaskiisu ugu maleeyaan nin shaqo ku maqan.

JAAJUUS MOHAMED-RASHID SHEEKH ABDULAAHI dhibaatooyinkii uu dadkiisa iyo dalkiisa  u gaystey waasidan, MIIRXANANLEEY oo ka tirsan gobalka QORAXEY ayuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee xabad ku riday dhalinyaro geel jire ah oo uu u laynayey dakano qabiil oo hore u dhexmartey beeshooda iyo tan dhalinyarada isaga oo u adeegsanaya magaca ururka jwxo halkaas oo uu ku dilay 2 wiil kuna dhaawacey qaar kale, ka dib markii la ogaadey ayuu la soo goostey 80 qori oo ay jabhadu laheyd ulana galey ciidanka Itobiya si uu u yiraahdo waan soo goostey oo qoryahan ayaaan lasoo galey.

Arintaas runtii abaalmarinteediina uu rabay wuu helay oo waxaa loo magacaabey xubin sare oo ka tirsan  sirdoonka Itobiya, HALKAA oo uu markale ka qayb qaatey laynta iyO dhibaateynta shacabka soomaalida ogaadeenya. JAJUUSNIMADA IYO MUNAAFAQADU waa meesha uu ka helay IN SIRDOONKA Itobiya uu wax kala qabto sidii loo dhoofin lahaa taas ay u fududeeyeen safaarada ETHIOPIA ee dalka KENYA silaamaha sirdoonka ee dalka Maraykanka, arrinkan dhoofka oo ka yaabiyey dhamaan dadkii reer ogaadeenya ee 30,000 dhaafayey ee dhoofka ka codsadey Maraykanka, dadkan oo isugu jirey madax sare oo jwxo IYO shacab ayey yaab ku noqotey IN lagala dhexbaxo jaajuus MOHAMED-RASHIID.
SABABTA LOO SOO DHOOFIYEY WAXEY AHEYD inuu iskudiro shakina dhexdhigo jaaliyada qurbojoogta ah ee ku mashquulsan shaqada ee aan wax badan kala socon xaalada dhabta ah ee ka jirta gudaha ogaandeenya.

Saad ku garataan ninkani waa ninkii ka danbeeyey isku dhicii jwxo iyo jabhadaha kale ee ka dagaalama gobalka taas oo u suurto gali wayday xiligii uu gudoomiyaha ahaa Alaha u naxariistee sheekh Ibraahin Cabdala ,laakiin usuurto gashey wakhtigii naagtiisu dhaantey[INA CUMAR CISMAAN] uu hayey halmadka jwxo.

ninkan oon ka gaboobin jaajuusnimada iyo munaafaqada ayaa markii uu Maraykanka yimidba dardar galiyey howlihiisii uu caanka ku ahaa waxaa markiiba dhacdey IN DHAMAAN JAALIYADA SOOMAALIDA OGAADEENYA EE KU NOOL CHICAGO UU DACWAD AAN SAL IYO RAADTOONA LAHAYN U GUDBIYEY LAAMAHA DAMBIYADA BAADHA EE MARAYKANKA OO UU KU LEEYAHEY WAA ARGAGIXISO MARKIIBA WAXA BAADHITAAN DHEER BILAABEY HAYADAHA SHARCIGA, MAALIN MAALMAHA KAMID AH 2005 TII AYAA DHAMAAN JAALIYADII CHICAGO LOOGU TAGEY NIN WALBA MEESHUU JOOGEY IYADA OO LOOGU YEEDHAYO MAGACII AY HOOYADII UBIXISEY, XATAA WIIL ISBITAAL KU JIREY SARIIRTIISII AYAA LOOGU TAGEY MID STATE KALE FASAX KU AADEYNA GURIGII UU JOOGEY AYAA LOOGU YIMID.

ARINTAN AYAA DHALINYARADII KA YAABISAY WAAYO SAWIRKA LA TUSAY WUXUU AHAA[MOHAMED-RASHIID SHEEKH CABDULAAHI] SAWIRKA NINKII UGU WAYNAA JAALIYADA OO MARNA AANEY KA FILANAYN IN UU MU,AAMARAD INTAN LA EG KU DHAQAAQI KARO. Arrinkan oo uu u malaynayey in aan la ogaanaynin ayuu aad ugu fashimey.

Jaajuus mohamed-rashiid oo ah INA MACALIN ILYAAS ABTIGII kuna keeney AABONIMO AYAA AH NINKA UGU CADCAD EE U KALA DABQAADIDA ETHIOPIA IYO NAAGTIISU DHAANTEY[INA CUMAR CISMAAN] NINKAN oo ah u qaabilsanaha arimaha ashahaado la dirirnimada ee ina cumar cismaan ayaa hada u socda Jubooyinka si uu u abaabulo ciidamo ka dagaalama Jubooyinka oo ay isgarabsadaan BAREHIIRAALE oo hada ciidamo ku uruursanaya DOOLOW, sida ay warar xogogaalihi nagu soo gaarayaan munaafaqu wuxuu hada ku jiraa Quraan xafid, si uu dadka ugu dhuunto in uu yahey nin is badalay oo wadaada.

Marka waxaan soomaalida guud ahaan iyo reer ogaadeenya gaar ahaan u soo jeedineynaa in ay iska ilaaliyaan ninkan ay xumaantu googoysay ee ah ashahaado la dirirka ninkan oo ay taariikhdiisu dheer tahey waxaan ku soo gudbindoonaa qormooyinka soo socda.

Waxaana inoo balana inaan toosh ku ifino dhamaan canaasiirta gumaysiga, halgan bi,iska iyo gumaysi kalkaalka.

Beentu raad ma lehee, rasaas baa runta sheegee ruux walbow u riyaaq oo rafiiqaaqaaga ka yeelo.

Arimaha Bulshada
rasaas.com