Eebow Sanad Wanaagsn Nooga Yeel

 

Hambalyo Dhamaan Dadweynaha Somalida Ogadeeniya: Sanad waliba hoodiyo wuxuu hadimo leeyahay waa la hubsandoonaa, kii noo haggaagee noqo loo hanweyn yahay.

Dhamaansha sanadkii hore iyo bilowga sanadka cusubi, waxaa ay ka mid yiiin meertada nolosha ee uu adunka aynu ku noolahay uu ku dhisan yahay.

Uumiyuhuna inta uu nool yahay, waxaa uu ku hawlan yahay dhismo aduun sanooyinkas is dhaaf dhaafaya. Waxaana uu sanad walba ku xisaabtamaa maxaa kuu qabsoomay si gaar iyo si uudba, si uu sanadka dambe ugu diyaar garoobo in uu ku uulaysto nolosha ugana gaashaanto gadaafooyinkii kala soo gudboonaaday sanadkii gudhay.

Dadaalka Aadanaha la faray, waa wajib in uusan marnaba ka daalin si uu maalin uun ugu guulaysto waxyaabaha uu ku taamayo.

Hadaba, bahda rasaas.com, waxay ugu hambalyeynaysaa dadweynaha Somalida Ogadeeniya dhamaadka sanadka aan sagootiyeyno iyo soo dhaweynta midka cusub.

Waxaan u filaynaa in ummada Somalida Ogadeeniya ay si gaar iyo si guudba sanakan cusub ugu guulaystaan horumarka nolosha ay tiigsanayaan.

Waxa kale oo aan Eebe wyne ka baryeynaa in ummada uu boggooda burcad isu mariyo si ay u xoogaysato midnimadu, taas oo aan la aanteed waxba la qabsan karin.

Si ay arintaas midnimada ah u hirgasho waxaa lama huraan ah in ay umadu si dhab ah fahamto, dhagar qabayaasha banaysta dhiiga wadaniyiinta iyo hormuudka ummada.

Ugu dambayn waxaanu lee nahay ummada Somalida Ogadeeniya ku gaadh sanadkan kiisa kale guul iyo horumar ay xornimo ugu horeyso.

rasaas.com