Dr. Dolal In Aanu Dilo Go,aa Baanu ku Gaadhnay!

 

“Gacantanada kuma dhiman gacan kale ayaa nooga horeysay, hadii ayna gacantaasi nooga hormari lahayn gacantanada ayaanu ku dili lahayn, dilkiisuna halgankana guul bay u ahayd” sidaasina waxaa yidhi Doqon Dooxa tagay oo ka tirsan kooxda Jwxo-shiil.

Odhaah Somali oo utun tiigsan baa tidhaahda “waranka ninka ku galiya iyo ka kugu gilgila ka kugu gilgilaa daran.”

Waxaa maalin dhawayd gacan aan dufan lahayn doonay in uu wax ku duugo, tagayna magaalada Dooxa ee dalka Qadar mid ka mid ah xubnaha kooxda Jwxo-shiil, kuwa loo yaqaan Samatar Soo Kac.  Samatar soo kac, waxaa uu jeclaystay in meel aan waxba ka jirin uu wax ka helo. Dooxa waxaa degan dad xoogsato ah oo ka soo jeeda dhulka Somalida Ogadeeniya iyo Jaariyado badan oo Itobiyan ah .

Dooxa waxay ahayd meelaha ugu muhiimsan oo ay dagan yihiin Dadweynaha Somalida Ogadeeniya ee taageera halganka ay waday ONLF. Waxaa halkaas ka jiri jirtay Jaaliyada weyn oo awooday in ay xumayso xidhiidhka Qadar iyo Itobiya u dhaxeeyey, ka dib kolkii ay wariye u shaqeeya Aljazeera ay geeyeen gudaha gayiga Ogadeeniya.

Dadweynaha reer Doha, kolkii ay arkeen in Jwxo-shiil, uu lid ku yahay halganka ummada Somalida Ogadeeniya ayey taageeradoodii u kala qaybiyeen GS-ONLF iyo Somali galbeed Jwxo-shiila, qalcad cidla ah oo laga kala fulay ayaa laggaga tagay.

Xuseen Nuur [Xuseen bacuudo], oo jaariyad Itobiyaana ah ku dulwata afadiisa, aafana ka dhex oogan tahay, ayaa qalcada Jwxo-shiil, laggaga tagay kaligii taagan. Samatar Soo Kicii yimid waxaa uu jeclaystay in dadka ka soo jeeda dhulka Somalida Ogadeeniya uu kula kulmo meesha uu Bacuudo degan yahay. Dadweynaha Somalida Ogadeeniya way diideen in ay arkaan Samatar Soo Kac iyo Bacuuda midna, Samatar Soo Kac, waxaa uu u galgashay xaga dhalashada. Waxaana uu ku dabo dhuuntay wiil uu dhalay halgame Maxamed Diiriye Uur-doox oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Maxamed Uur-doox.

Axmed ayaa gurigiisa ku kulmiyey ummada gabalka ka soo jeeda, muddo kolkii uu Samatar Soo kac wax badan oo calaacal ah sheeg sheegay isaga oo ay ka muuqato quus, ayaa la weydiiyey su,aalo ay ka mid ahaayeen; maxaad Somali Galbeed isu kaashan waydeen? wuxuu ku jawaabay Somali galbeed waa urur muslin ah, mana doonayno in uu muslin naga dhex muuqdo oo nalagu sheego. Dabadeed ninbaa ku yidhi sowta Eritrea oo argagixiso lagu haysto aad la banaan baxaysaan.

Su,aalo, kale ayaa ahayd heshiis baad Itobiya ka rabtaan baa la leeyahay maxaa ka jira, Jawaabtiisu waxay ahayd hadaan heli lahayn wax heshiis naga raba waan jeclaan lahayn.

Su,aal mihiim ah ayaa ahayd, dilkii aad Dr.Dolal u gaysateen ayuu shacabku idinku nacaye, maxaad u disheen halgamaaga? wuxuu ku jawaabay “gacantanada kuma dhiman oo gacan kale ayaa nooga horaysay, ee gacantanada ayaan ku dili lahayn dhimashadiisuna halganka guul bay u tahay” hadalkaas waxaa meel fagaare ah ka yidhi Maxamed Cabdi Yaasiin [macalin Diirane], Bin aadam iyo abaalkiis sidaas kagaga quuso. Kolkuu intaa yidhi ileen af aan kugu oolin lama qabto ayuu wiilkii dadka isugu yeedhay  madoobaaday oo gubtay, halkaas ayaana lagu kala dareeray iyada oo ay dadku isweydiinayaan awalba waxba nagama qarsoonayn.

Dad iyo Dhulba lama maleeyo, dad baa odhandoona Macalin Diirane hadalkaa ma dhihin, nasiib wanaag fagaare ayuu ka yidhi.

Qoorleex ayaa bari tiriyeyey gabay uusan ka fiirsan oo ay baydadkiisa ka mid ahaayeen;

Inta bari degtay iyo reer warfaa ha isbahaysteen,
Balan qabaha doolaal jiciir ha isku badiyeen..

Maxamuud Cali Beenaley ayaa isna tiriyey gabay yool baadh ah oo ay baydadkiisa ka mid ahaayeen;

Basarxumo in uu reer warfaa budulka qaadsiiyey
Iyo in ay bahdii maalinguur baanisada keentay,
Beenta iyo runtuba waa dhaw bay kala baxaayaane,
Bal aan barno xaajada kobtii badhida loo saaro,

Arimaha bulshada
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo