Doorasha Madaxtinimada Dalka Itoobiya oo Lashaaciyay Xiliga la qaban doono!

 

201473163851391734_20Wararka aan kahelayno Magaalada Adis Ababa ayaa Sheegaya in Guddiga Doorashada Itoobiya- NEB, ay maanta si rasmi ah u baahiyeen xiliga doorashadu kubeegan tahay ama Wakhtiga La qabanayo .

Gudiga ayaa sheegay in doorasahada guud ee Wadanku ay qabsoomi doonto bisha May ee 2015-ka, Merga Bekena oo ah Gudoomiyaha Gudiga ayaa maanta shir jaraa’id uu qabtay kusheegay in Doorashan oo ah tii 5-aad ee Dalka Ethiopia Abid kadhacda ayuu sheegay in doorashadu dhici doonto 24-ka May 2015, Ato  Merga Bekena oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi waxaa Natiijadana lagu dhawaaqi doonaa 22-ka June 2015.

Dhanka kale wuxuu kahadlay  Merga in ay Xisbiyadu kusoo gudbiyaan mushraxiinta iyo calaamadahooda ugu dambayn 9 bisha December ee  Sanadan aan kujiro.

Isku soo wada duub oo waxaa Afartii Doorasho ee Horaba kushubtay Xisbiga tala haya iyadoo ay dadweynuhu aad uga soo horjeedaan Arintaasi ayaa Qasab lagu maroorsaday Codadkii Shacabweynaha waxaana la layn jiray Xubno Farabadan oo Mucaarada xiliyada Doorashada halka Qaar kalana Jeelasha laga buuxin jiray dadka Siyaasada Ethiopia indha indheeyaana waxay sheegayaan in Doorashii Ethiopia kubur-buri lahayd ay tahay midan soo socota.

Xigasho: OgadenToday Press