Diyaar Garow Nabadeed oo aan Caadi Ahayn oo ay ka Wadaan Gudaha iyo Dibadaba, Dadweynaha Somalida Ogadeeniya.

 

Jijiga, [Sept 19, 2010] – Wararka aanu ka helayno gudaha iyo dibada dhulka Somalida Ogadeeniya ayaa sheegaya in uu jiro dhaqdhaqaaq xoog leh oo loogu diyaar garoobayo ka qayb qaadashada shiraraka nabada ee la filayo in ay dhawaan ka dhacaan dhulka Somalida Ogadeeniya.

Tan iyo intii ay bilowdeen wadahadalada nabada ee u dhaxeeya dawlada iyo ururka ONLF, ayaa waxa socda suxulduub labada dhinacba ay ugu jireen sidii ay uga dhici lahayd nabad waarta dalka Itobiya, gaar ahaana degaanka Somalida.

Hadaba, iyada oo la marayo gabagabadii wadahadaladii nabada ee soo bilowday June ee sanadkan, ayaa waxaa la filyaa in ay dibadaha ka tagi doonaan kumanaan ruux oo u dhashay degaanka Somalida si ay uga qayb galaan shirarka nabada ee ka dhicidoona Degaanka Somalida, xiliga dhaw.

Dadweynahan tirada badan ee ka qayb galaya shirarka nabada, ayaa waxaa la filayaa sida ay hore u qoreen boggaga Internetku in Cuqaasha ka tagaya dibadaha oo kaliya ay tiradoodu gaadhaso 74 ruux.
Waxaa shirka ka qayb galaya dhamaan qaybaha ururada bulshada sida; dhalinyarada, haweenka iyo aqoonyanka dadkaas oo ay tiradoodu kor u dhaafayso kumanaan ka imanaya dibadaha.

Wararka ayaa intaas ku darayaa in ay gudaha ka socdaan diyaar garow xoog leh oo ku saabsan sidii loo soo dhawayn lahaa dadweynaha imanaya.
Waxaa kale oo la diyaarinyaa goobihii ay ka dhici lahaayeen shirarku. Magaalada Qabridahare ayaa waxaa laga dhisay hool qaadaya 3,000 oo ruux, dhinaca kale waxaa la diyaariyey goobihii ay degi lahaayeen dadweynaha ka qayb qaadanaya shirka.

Waxaa kale oo socda sidii loo hanan lahaa saadka martida ka imanaysa dibadaha iyo gudaha, arintan oo ay ka qayb qaadanayaan dadweynaha gudaha miyi iyo magaalaba ayaa waxaa ilaa iyo hada ay reer miyigu keeneen xoolo ishin ah oo gaadhaya 180 neef iyo adhi aan xisaab lahayn.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in casuumado loo kala diray dhamaan beelaha Somaliyeed ee dega degaanka iyo kuwa Jamhuuriyadaba.

Shirweynaha Qaran ee la filayo in uu ka dhaco magaalada Qabridahare ayaa waxaa uu noqon doonaa kulanka ugu balaadhan ee abid ka dhaca degaanka Somalida.

rasaas.com