Diinta, Degaanka iyo Warbaahinta

 

estv

Waa qaybtii 4aad. Waana qormo kale oo la xidhiidha Diinta iyo Degaanka, oo aan aalaaba ku soo qaadano doorka ay warbaahintu ku leedahay hoos u dhaca diinta iyo saamaynta uu ku leeyahay Ismaamulka Somalida Atoobiya [ISI].

Warbaahintu waxay ka mid tahay aladaha ugu muhiimsan ee waxkhtigan casriga ah, laga isticmaalo dunida. Waxaana loo isticmaalaa ujeedooyin badan oo kala duwan, kuwaas oo u danaynaya dadka iyo dalka leh warbaahinta.
Warbaahintu waxay ka kooban tahay qaybo, ay mid waliba leedahay muhimadeeda sida;  telefishin, Ideecad, telefoon, internet-ka, wargaysyada, buugta Iwm. Kuwaas oo kuligood loo adeegsado gudbinta waxayaabaha ay bulshadu baahid u qabto ka faa,iidaysigeeda sida; waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo tebinta dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhacada dalka iyo dibadiisa.

Ujeedada ugu muhiimsan ee qormooyinkan is dabo jooga ah oo aan ugu talo galay, in aan ku baraarujino masuuliyiinta degaanka, maamulka wakaalada warbaahinta, culimada degaanka iyo dhamaanba dadwaynaha degaanka dibad-joogta iyo kuwa dalka joogtaba in ay xasuustaan Islaamnimada iyo baahinteedu in ay waajib ku tahay Islaamka, gaar ahaan bulshadeena.

TV-ga degaanka ESTV, oo ah mid ku cusub warbaahinta, ayaan qayb laga siin culimada diinta islaamka mudadda saddexda sano ah ee uu jiro. Arinkaas oo markaanu wax ka waydiinay qaar ka mid ah masuuliyiin maamulka ay sheegeen in ayna culimadu ku heshiin karin gudbinta diinta Islaam TV-ga. Baadhid dheer ka dib waxaan ku ogaanay in sababayntaasi ayna sal lahayn oo ayna culimadu qaybsanayn, walow ay marmar isku qabtaan habka loo faafinayo diinta Islaamka.

Dadwaynaha Degaanka Somalidu waa muslim Suni ah 100%, mana jiraan wax qaybsanaan ah oo dhexetaal. Dariiqooyinka jira waxaa ka mid ah; Al Itixaad Al-Islaamiyiin, dariiqada Tabliiqiya [Pakistan], Ehelu Suna (tadaamun), Ikhwaanumuslimiin-FiSoomaal [masar], Al Islaax oo hal degmo ku kooban [masar] iyo Wahaabiyuun min Sharqil Ifriiqiya (Sacuudi Carabiya). Kuligood dariiqooyinkaasi iskuma diidan wax diin ah, laakiin waxay ku kala duwan yihiin uun hanaanka loo difinayo Islaamka.

Baadhid dheer ka dib, waxaan ogaanay in wax waliba uu gacanta ugu jiro masuuliyiinta maamulka, kuwaas oo la socda waxa uu samaynayo qof walba oo degaanka jooga. Waxay noo sheegeen dadka ku dhaw dhaw wakaalada warbaahinta degaanku in wax walba oo laga siidaynayo telefishinka uu qoro Cabdulahi Yusuf Weerar [cabdulahi Itoobiya], oo ah madaxwayne ku xigeenka 2aad, ahana hogaanka nabadgaliyada iyo cadaalada.  Cabdulahi Itoobiya waxaa sodog u ah madaxwaynaha degaanka Somalida Cabdi, waxaana uu ahaan jiray LB, waa nin da,a yar oo aan diinta ku wanaagsanayn sida la sheegay, labada dhaqan Muslimka iyo Masiixiga u dhaw Masiixiga.

Waxaa kale oo jirta in maamulka degaanku uu gacanta ugu jiro dhalin da,a yar oo isugu jira saddex qaybood kuligoodna la wada siiyey siminaar isku mid ah. Qayb waxbarasho kaga baxay kuliyada falsafada maamulka iyo Maaraynta Addis Ababa oo lagu barto Marxist-Leninism League of Tigray, taas oo tabobar lagu siiyo dhalinta loo tababarayo qabashada maamulka degaanada Atoobiya. Qayb Liyuu Boliis ahaan jirtay [LB] oo isugu jira dugsi dhex kuwa ka baxay iyo kuwa suuqa ka bartay Xabashiga. Qaybta saddexaad ayaa ah kuwa mudo dheer la soo shaqeeyey ciidamada mudana ku soo dhex jiray maamulka. Saddexda qayboodba waxay siminaaro ku qaateen kuliyada maamulka iyo Maaraynta Addis Ababa oo lagu barto Marxist-Leninism League of Tigray.

Isku soo duub oo saddexda qayboodba waxay aad ugu liitaan diinta Islaamka, waana arintaas arinta keentay in degaanku dhaqan ahaan gaal iyo muslim gaal u ekaado.

Dhaantadu dhibaato ma leh waana dhaqan Somaliyeed, wuuna ku amaanan yahay maamulka degaanku dadaalka badan ee uu sameeyey soo noolaynteeda, lagumana kohanayo siidaynteed. Laakiin waxaa meesha ku jirta in lagu soo dhex gabanayo. Sida dhaqanku yahay dadku waxay kala lahaayeen xirfado sida; barida iyo ilaalinta diinta Islaamka, xeer beeg, difaaca, suugaanley iyo ciyaarto. Waxaa dhibaato ah in kuligood laga dhaxaysiiyo hal xirfad oo ah “dhaanto”.

Xafladaha lagu qabto xarunta maamulka, bisha Ramadaan masuuliyiinta degaanka, culimada iyo dibad joogta waxaa loo shiday Muusig Qabow [slow music] kolka ay afurayaan, Cashadana waxaa lagu maaweeliyaa Dhaanto muusig lagu ladhay. Waxaan indhahayga ku arkayey oo tv-ga xiligan laga siidaayaa culimadii oo muusiga madaxa u ruxaysa. Waxaasna waxaa keenaya cabsi sida ay noo sheegeen dadka magaalada Jijiga.

Waxaan filayaa in masuuliyiinta degaanku caruurtooda u diraan dugsiyada quraanka, hadaanan khaldanayn. Haday sidaas tahay siday ugu qasbaan culimada diinta Islaamka ciyaarta musiga?

Culimadu awal hore kolka ay Atoobiya cidhiidh galiso waxay u carari jireen Soomaaliya, maanta Soomaaliya looma carari karo [xagan loo kici maayo oo waa xuduud xabashaad, xagana loo kici maayo Soomaalaa la xabaalay, Keenya xaalka ka taagan waa lagaa xadayaa, Cirkan xaygu cadaadayna xadhigeenu ma gaadho, Maynagoo xayi noolaan Is-xabaali karaa].

Waxaan filayaa in qoraalkan cidii akhristaa ay dareemi karto ama ay fahmayso, in dareekaygu uusan siyaasadaysnayn nacaybna ku jirin, laakiin aan tooganayo toosinta Islaamnimada ciiranaysa ee ay dad wada arkeen.

ESTV, ma jiri karto sababa ka reebaysa in lagu daro barnaamjiyo diini ah, qadarka ay doonaan ha la ekaadaane. Kuwaas oo aan isleeyahay waxay u soo kordhin uun bulshadeena wanaag iyo sumcad.