Dib u Curashadu Waa Lidka Dimoqraatiyada

 

Jijiga, Apr 25, 2012 [ras] -Degaanka Somalida Ethiopia waxaa mudo dheer ka jiray dagaalo ay waday ONLF, oo ujeedadoodu ahayd xornimo doon. Ujeedadaas waxaa burburiyey khilaaf uu sababay xukun jacayl.

Dadweynaha degaanka Somalida Ethiopia ayaa ONLF garabkii ugu muhiimsanaan ku khasbay in heshiis nabadeed uu la galo dawlada dhexe ee Ethiopia October 2010. Ka dib kolkii ay ONLF, fulin wayday arimihii ay shacabka taageerada kaga heli jirtay.

Heshiiska ka dib dawlada dhexe waxay balan ku qaaday in ay qaban doonto hawlo horumarineed oo xoog leh. Arinta horumarinta waxay u wakiilatay dawlada degaanka Somalida Ethiopia, si ay uga saarto degaanka dib u dhaca.

Arimo ka jira degaanka dartiis, hogaamiyeyaashii ururadii nabada qaatay iyo masuuliyiinta degaanku way wada shaqayn waayeen. Waxaana waji waydsan wadanka kaga tagay qaar ka mida hogaamiyeyaashii Nabada, kuwa kale ayaa niyad aan wanaagsanayn waxay ku joogaan degaanka.

Nabadii ka dib, dawlada degaanku waxay sheegtay in ay qabanayso hawlo badan oo wax laggaga qabanayo horumarinta degaanka Somalida.

Barnaamijyada la dajiyey waxaa ka mid ahaa; dib u curashada degaanka
Somalida Ethiopia oo qorshuhu ahaan in wax badan laggaga qabto dib u dhaca ka jira degaanka Somalida.

Dhawr arimood ayaa ugu muhiimsanaa dib u curashada oo ay ka mid ahaayeen; kor u qaadida war faafinta, dib u dejinta xoola dhaqatada, samaynta afar maamul magaalo, dhismaha guryo shaqaale [kondhominiyam], kordhinta wabarashada iyo kor u qaadida wax soo saarka, biyaha iyo isgaadhsiinta.

Si loo fuliyo hawlahaas, talaabadii ugu horeysay ee maamulku qaaday waxay ahayd isku badalka gudoomiyeyaasha 67 degmo ee degaanka Somalida, si loola dagaalamo musuqa iyo eexda.

184 xubnood oo baarlaman ah ayaa ka soo baxay 52 degmo oo hore uu uga koobnaa degaanka Somalida Ethiopia, walo 15ka degmo ee lagu biiriyey ayna lahayn xubno u matala baarlamanka xiligan.

Su,aasha la isweydiin karo ayaa ah ruuxii ay dadweynuhu u doorteen in uu degmada maamulo waa laga qaaday, waxaana la keenay ruux ayna waligood dadweynaha degmadu arag, sidaasi ma dimoqraatiyadbaa?

Gudoomiyaha laga doortay degmada marka la diido in uu degmadiisa gudoomye ka noqdo, arinkaasi wuxuu meesha ka saari karaa jiritaanka baarlamanka degaanka.

Sawirka dhabta ah ee ka jira degaanka Somalida Ethiopia wuu ka fog yahay dimoqraatiyada, marka ruuxa laga doortay degmada uusan maamulayn dadka doortay, xildhibaanada mushaarka ku qaata xildhibaanimaduna waa mid aan meesha ku jirin.

Waxaa kale oo la isweydiin karaa hadii kii degmada u dhashay musuq iyo eex buu samayn looga qaaday ka aan u dhalan maxaa laga fili karaa?

Gudoomiyaha aan degmada u dhalan waxaa laga fili karaa musuq ka badan kan uu samayn karo ruuxa degmada u dhashay oo aan la ogaan karin. Ruuxa degmada u dhashay musuqiisu wuxuu ka dhex muuqan karaa degmadiisa iyo dadkiisa, laakiin gudoomiyaha aan degmada u dhalan wax kasta oo uu sameeyo lama ogaan karo waayo cidiba ma sheegi karto.

Dhinaca Eexda gudoomiyaha laga doortay degmadu qayb ka mid ah degmada ayuu noolayn karaa, gudoomiyaha meel kale laga keenay musuqa iyo eexda aan lala ogayn degmadiisii umbuu gayn oo ayna cidna ogaan karin.

Waxaa kale oo iyana isku badalku uu keenay baa la leeyahay, in ruux awoodiisu ahayd gudoomiye degmo yar uu noqday gudoomiye degmo magaalo madax u ah gabal oo uusan hawsheeda awood u lahayn. Arinkaas oo hoos u dhigay dhaqaajintii hawlahii horumarineed ee laga samayn lahaa degaanka Somalida Ethiopia.

Su,aasha ugu muhiimsan ayaa ah isku badalkii gudoomiyeyaasha degmooyinka maa faa,iiduu ka helay degaanka Somalidu mise Khasaare?

Qormadeena tan xigta ayaan ku soo qaadan doonaa qodobkaas isaga ah.

rasaasa.com