Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Jijiga oo Gabogabo ah

 

Addis Ababa, Feb 11, 2011 [ras] – Shirkada garoomada diyaaradaha ee Itobiya ayaa sheegtay in uu socdo dhismaha garoonka Jijiga oo ay ku baxday 52 milyan oo Bir, kaas oo eegga gabo gabo ah.

Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkada garoomada ee Itobiya Wondim Teklu, oo u waramayey wakaalada wararka ee Itobiya ayaa sheegay in garoonka Jijiga uu ku dhamaandoono saddex bilood, waxaana uu qaadi doono rakaab badan.

Madaxa shirkadu wuxuu yidhi, shirkadu waxay hada gacanta ku haysaa dhismaha garoomada diyaaradaha ee Shire [Jijiga airport], Shilabo iyo Qabridahare oo ay ku baxayso malaayiin Birr.

“Garoonku waa mid heer caalami ah, wuxuuna u shaqayn doonaa dalalka dariska” sidaas waxaa yidhi Wondim Teklu.

waxaa uu masuulku sheegay in Shire [garoonka Jijiga] loogu magac dari doon nin dhintay oo ka mid ahaa Jabhada TPLF oo la odhan jiray Hayelom Araya.

Wondim, wuxuu sheegay in ay dawladu dhisayso ayna casriyeynayso garoomo hore u jiray oo ku yaala meelo kala duwan oo dalka ah iyada oo u qoondaysay lacag aad u badan.

Balaadhinta garoomada iyo kaabayaasha halbawlaha u ah dhaqaalaha ee dalka ayaa socda oo ay ku baxayso 500 oo milyan oo Bir inta lagu jiro sanad maliyadeedkan, ayuu yidhi wondim.

Shirkadu waxay maamushaa 18 garoon oo ku yaal dalka oo dhan.

rasaasa.com