Dhaqanka Ganacsi Galmoodka Atoobiya oo Galay Jijiga

 

jijiga1Jijiga, June 21, 2014 – Damiirka Bini,aadamku diinta uu doono ha haystee, wuxuu ka soo horjeedaa dhaqanka galmoodka sharci darada ah, kaas oo la ogaaday in uusan u wanaagsanayn asluubta iyo jiritaanka bulshada.

Digniimaha ay diimuhu ka bixiyaan dhibaatooyinka ay dadka u leedahay galmoodka sharci darada ah ka sokow, waxaa fahamkaasi si dabiici ah u hubsaday dhibaatada galmoodka sharci darada ah cilmiga sayniska.

Diinta Islaamka ayaa si aad ah uga digta in dadku sameeyaan galmood sharci daro ah, taas oo dunuubta ka dhalata ay raad ku reebto jiritaanka ruuxa iyo guud ahaan bulshada.

Waxaa kale oo xiliyadan dambe ee casriga ah aad uga diga galmoodka sharci darada ah culimada sayniska, iyaga oo sheegay in galmoodka sharci darada ah uu sabab u yahay imaanshaha cudurka dilaaga ah sida; HID/AIDS iyo kuwa kale oo badan [sexual transmited deseases].

Hadaba, iyada oo dadku ogyahay waxyeelada ka iman karta galmoodka sharci darada ah ayeyna hadan dad badani ka dhawrsan karin arintan.

Dhaqamadka ay leeyihiin shucuubaha kala duwan ee aduunka, ayaa laga yaabaa in ay ku kala horeeyaan dhiiri galinta galmoodka sharci darada ah.

Dadka Somalida oo ah dad Islaam ah, ayaa dhaqan ahaan wax xun ka aaminsan galmoodka sharci darada ah, iyada oo diinta Islaamkuna ay jidaysay xukumo kala duwan oo lagu fulinayo dadka gala galmoodka sharci darada ah.

Dhinaca dhaqanka, sharafta qoyska Somaliyeed waxay ku xidhan tahay dhawrsanaanta ubadkooda, gaar ahaan gabdhooda. Waxaa suurto gal ahaan jirtay in gabadha Somaliyeed walaalkeed ku dilo talaabo xun oo ay qaado walaashii, taas oo sharaf dhaca u keenta qoyska. Waxaa kale oo jiri jirtay in gabadha dhawrsan ee dhabanka leh qoyskoodu fakhriga kaga bixi jiray guur sharf leh ka dib.

 

Dadka reer Atobiya oo la daris ah dadka Somalida, ayaa iyagu leh dhaqan ka duwan kan Somalida. Qoyska Atoobiyanka ah [xabsha] ee ay u kacaan dhawr gabdhood oo dhaban leh, waxaa dhamaada walaaca dhaqaale xumo ee qoyskaas. Taas micnaheedu ma ha in qoysku gabdhahooda ka helayaan dhaqaale ka yimaada guurkeeda, laakiin wuxuu ka iman dhaqaaluhu dhaqanka dhilaysiga ku dhisan ee gabadha dhabanka leh.

Somalidu waxay tidhaahdaa dariskaagu wax aan midbka ahaynba wuu ku galiyaa. Arinta dhaqan dhilaysiga Atoobiya in uu fiday shaki kuma jiro. Waxaana daliilkeeda kaaga filan tirokoobkii laga sameeyey dalka Somaliya sanadkii 2010 ee fidida cudurka HIV/AIDS. Magaalada Hargeysa oo ah meesha ay u shaqo taga badan yihiin haweenka Atoobiyan waxay gashay kaalinta koowaad. Atoobiya waxay ka mid tahay dalalka uu cudurka HIV/AIDS-ku uu aadka ugu badan yahay.

Hadaad safar ku tagto dalka Atoobiya, Hotelka aad ka degto magaalooyinkeeda inta uu doono ha la ekaadee waxaa jooga oo ka sharciyeysan gabdho, loogu qaraabi kiilay in ay jidhkooda ka gadaan martida Hoteelka.

Baryahan dambe magaalada Jijiga, waxaa si xawliya ugu soo kordhaaya arimaha dhaqan xumada ah ee dhexmara raga iyo haweenka.

Waa arin ka fog diinta Islaamka iyo dhaqanka Somalida, arimaha dhaqan xumada ee baryahan ku soo badanaya magaalada Jijiga. Kuwaas oo ay lama huraan ah in la xakameeyo si loo badbaadiyo da,ayarta Somalida. Xiliyada galbihii iyo habeenkii waxaad ku arkaysaa Hoteelada magaalada Jijiga haween Somali iyo Atoobiyan ah, oo u soo diyaar garooba gadida galmood sharcido ah.

Haweenkaas oo isugu jira dhalinyaro iyo meel dhaxaad, haweenkaas oo isugu jira kuwa dibada ka yimid iyo kuwa degaanka jooga. Hoteelada waawayn ee magaalada dadka ugu badan ee jooga ama seexda waa haween aan rag la socon.

In kasta oo Ismaamulka Somalida Atoobiya hoos joogo xukuumad diin iyo dhaqan midna aan la wadaagin bulshada Somalida, hadana masuuliyada ilaalinta bulshada maamulka ayay saaran tahay.

Xarunta Ismaamulka Somalida Atoobiya, oo ay ahayd in ay noqoto xarun maamul oo ilaalisa diinta iyo dhaqanka suuban ee bulshada Somalida, ayey warbixintani sheegtay in ay tahay meesha ay ka bilaabato xumaanta magaalada Jijiga ka jirta. Xarunta maamulka dhaxdeeda, waxaa ku yaal guryo loogu talo galay habeen dhaxa martida iyo wufuuda soo booqda maamulka.

Nasiib darada bulshada Somaliyeed, guryahaas waxaa la sheegay in ay noqdeen guryo fisqi oo aan habeenkii laga seexan, oo ay wada dagan yihiin haween iyo rag aan isqabi.

Waxaa kale oo la sheegay in dadkaasi ay maamulka dhiiri galin ka helaan, kuwaas oo horseedaya dhaqamada xun xun ee ayna bulshada Somalidu dhaqanka u lahayn.