Dhagayso, VOA-da, oo Tiibaa ka Dhigtay Qaxooti ka Soo Cararay Gabalka Ogaden

 

Ideecada VOA, qaybta baahisa wararka ku baxa afka Somaliga, ayaa baahisa warar runta ka fog oo aan sal lahayn. Wariyeyaasha ka shaqeeya Ideecada VOA, ayaa waxay qaataan laaluush, ka dibna waxay sii daayaan warar waxyeelo u leh dad badan.

Ideecada ayaa warka hordhaca ah, ku sheegtay in maalin walba dad badan oo qaxooti ah, oo ka soo cararay gabalka Ogaden, ay soo galaan xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya, kuwaas oo ay waraysanayso.

Dhagaystayaashu waxay dhagta u taagayeen in ay waraysan doonto haween iyo caruur, waxaase wax lagu qoslo noqotay, kolkii ay waraysatay Tiibaa, oo iska dhigaya Qaxooti.

Waraysiga ay maanta siidaysay Ideecada VOA oo ay ku sheegtay in ay ka qabtay nin qaxooti ah, ayaa ahaa been ninka la waraysanayeyna waxaa uu ahaa Tiibaa oo ah reer Qalaafe muddo badana ka tirsan kooxda Jwxo-shiil.

Dhagayso
[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/tiibaa.mp3]

rasaasa