Dhabcaal Maamul u Dhiibo waa Dhibkii Jirayn uun Dhoon Horaadyo Dulsaar, oo Dhurawaa Hilib Saaro!

 

“Saan u hoognay hadlimaynoo midgaan na hor joogsay, saan u hoognay hadlimaynoo Mareexaan hayb ku raacnay, Saan u hoognay hadlimaynoo Hawiye na hawaysay” erayadan waxaa laga hayaa Heelo ay tiriyeen gabdhihii reer Somalida Ogadeeniya ee qaxootiga ku ahaa xeryihii habaaska ee hooyga u noqday hal milyan oo Qaxooti ah muddo 13 sano ee ku yaalay Somaliya.

13 Sano ka dib kolkii ay ku soo laabteen Qaxootigii Ogadeeniya waxaa isla markiiba bilowday colaado dhexyaal xukuumada Itobiya Qabsatay iyo Jabhad cusub waa Jwxo oo dibadaha ka timid waxayna Jabhadu bilowday diidmo ah in ayna Itobiya waxba la qaybsan karin. Waxaa ay dood dheer dhexmartay sanadkii 1991 Jabhada, Odayaasha iyo Aqoon  yahanka Somalida Ogadeeniya, waxayna Jabhada iyo madaxdeedu awood u yeesheen in ay ka dhaadhiciyaan ergooyinka in ay taageeraan halganka sidaasina waxa ay dadweynaha Somalida Ogadeeniya taageero xoog leh isula garab taageen halganka ay waddo Jwxo.

Hadaba, waxaa nasiib daro aad u wayn ah in 19 sano, ka dib ay dadweynaha somalida Ogadeeniya ay qoomameeyaan taageeradii ay siiyeen halganka, ma aha qoomamadu nacayb ay dadweynuhu u qabaan Jwxo ee waa dhibaatada weyn ee uu halganka u gaystay ninka maanta dadweynuhu u yaqaanaan Jwxo-shiil iyo wax ma garatada ku daba socda.

Halganka somalida Ogadeeniya waxaa uu ahaa kolkii hore halgan dadweyne [Jabhatu shacbiya], waxayna Jabhadu ku dagaalami jirtay xeelada ku dhufo oo ka dhaqaaq [guerilla fighting]. Nasiib daro afartii sano ee ugu dambaysay waxaa ay jabhadu qaaday wadada ah halgan dawladeed [xarbul duwalayn], hanaanka ay dagaalada ku wadaana waxaa ay noqdeen dagaal iska hor imaad ah [face to face fighting].

Arintani waxaa ay ku keentay Jabhada iyo dadweynaha degan dhulka Somalida Ogadeeniyaba dhibaato xoog leh oo dhimasho iyo dhaawac badan ku keentay ciidamada Jwxo iyo shacabkaba. Itobiyanku waxaa ay isticmaaleen nidaam go,odoomin ah oo saamayn wayn ku yeelatay dadweynaha iyo Jabhadii dadka martida u ahayd. Waxaa dhacay bara kac xoog leh, waxaa kale oo ay saamaysay dadkii deganaa magaalooyinka, waayo Madaxda Jabhadu waxay wax ku kalifayba xidhiidho telephone la samaysay caaqilada iyo dadka madaxda ah kuwaasi oo ay galaafatay.

Dhinaca kale, waxaa ay Jabhadu garab martay la tashigii dadweynaha, cuqaasha iyo aqoon yahanka, waxaa kale oo ay diiday xitaa in ay dhagaysato xubnaha Jabhada. Waxaa uu guudmiyuhu dabada la galay xukuumada Eritariya oo aan wax dan ah u hayn halganka Somalida Ogadeeniy, balse doonaysa in ay Itobiya uun kula dirirto.

Faragalinta Eritariya iyo ficilada foosha xun ee Jwxo-shiil ee ka fog hogaaminta Jabhada ayaa waxay keeneen in shacabka Somalida Ogadeeniya uu dib uga fiirsado taakuladii ay la garab taagnaayeen halganka Jwxo. Hadaba, kolkuu arkay in uusan sii wadi karin ayuu bilaabay arimo xaasidnimo ku ah halganka, wuxuuna ka dhex maleegay dadwenaha arimo Qabiil, ka dib kolkii uu ku dhaqaaqay arimo aargoosi oo ay cadawnimo ka buuxdo, waxaana hal mar cirka isku shareeray collaad qabiil, waxaa iyaguna hal mar tiiriyey buntukhdii wiilashii walaalaha ahaa.

Jabhadnimada waxaa ka mamnuuc ah madax adayga, xukun jacaylka iyo isticmaalka hantida ay dadweynuhu bixiyaan, koli dadka ka qayb qaata halganku waa iskaa wax u qabso oo maalkooda iyo muruqooda ayey ku bixiyaan halganka. Jwxo-shiil waxaa uu kolkii madaxad laga dhigayba ku dooday in uu hayo lacagaha, kolkii la yidhi mayana waxaa uu yidhi baa la sheegay “hadii la igu aaminay in aan gudoomiye noqdo maxaa la iigu aamini waayey lacagaha”.
Sida lagu sheegay warbixino badan waxaa uu si aan wanaagsanayn u lunsaday hanti badan oo Jabhada ay ugu tabo ruxeen dadweynuhu, waxaana ugu muhiimsan hantida  u taal xawaalada KAAH, qaaraan kasta oo la uruuriyana waxaa ay gacanta looga dhiibi jiray Afadiisa oo iyaduna oo si aan xishood lahayn ugu ololaysa sidii lacago loo uruurin lahaa.

Jwxo-shiil oo aan wadin danta ummada Somalida Ogadeeniya iyo halganka midna, ayey maanta ku adag tahay sidii uu dadweynaha Somalida, gaar ahaana kuwa Somalida Ogadeeniya ugu dhex noolaan la,aa. Labaatankii sano ee ugu dambaysay labada ruux ee ugu shakhsiyada xun ayey ummada Somalida Ogadeeniya ku sheegaan in ay yihiin Ina Cusmaan iyo Ina Iley.

Waxay dadweynaha Somalida Ogadeeniya ku cataabayaan iyaga oo xasuusanaya dhibaatada la fac tirsatay iyo sidda uu maanta u burburiyey halgankii ay kaligood abuurteen ee ay ku tiir iyo tacab beeleen;

Awal horeba cadow buu ahaa aan caawin lagu hayne,
Dad cunaa cayuun uu ahaa oon ciirsi noo tarine,
Haatan oos cimriyey wuxuu wadaa cidhib go,eeniiye,
Caynkii go,o jaahuur gaslaan laga sugayn cuude,
Cidhbiyoo ka rida waa horuu cunay wanaagiiye.

Midnimadaan ku caan noqonaye iyo cudidi aan haynay,
Casharadaan cadaawaha tusnay een cawda kaga saaray,
Cilaaqaadki aan dhiganay ee caalamku ogaaday,
Caqoon yahan cod furan leh oo camiray miidhiyeyo caynba,
Codaddki na caamiye jiray buu ciida hoos dhigay,
Calafkii go,o waa in cismaan midkaa caynka noo rogaye,
Cidhbiyoo ka rida khaa,in baan laga sugayn calaf u kenaaye.

Arimaha Siyaasada
rasaas.com