Dhabcaal Ina-Dhuubo oo Been Dhiibay!

 

Perth,  February 20, 2012 [ras] – Waxaa markii ugu horaysay mudo labo sano ah codkiisa Ideecad laga maqalay Ina Dhuubo, codkaas oo la garan waayey horay iyo gadaal mid uu yahay.

Xishood la,aantu marka ay badato waxay dhashaa dhimanaan xaga caqliga iyo dadnimada, taas oo keenta in ruuxu hadlo isaga oo aan garan waxa uu sheegayo, laakiin huba uun in uu hadlayo.

“Ciidanka Booliska ee dawlada degaanka Somalida Ethiopia, ayaa gumaad ka gaystay degmada Gunagado” sidaas waxaa yidhi Ina Dhuubo.

Ina Dhuubo oo beentiisa sii wada ayaa yidhi  “labo oday ayey xili habeen ah bisha 12/2/2012 la baxeen boolisku dabadeedna dileen, aroortii xigtay ayay dadkii isu soo baxeen ama la soo shiriyey dabadeedna xabad ayaa lagu furay, 16 mayda ayaa hada magaalada Gunagado yaala, 21 waa dhaawac, 50 waa xidhan yihiin, 70 xeryaha ciidanka ayey ku jiraan, dhawr boqol baadiyaha ayey u qaxeen.” Subxaanalaah, beenta ka sokow balaayo dadka la jecelaa.

Aduunka intaan noolaa been iyo xishood daro intaa la egg ma arag, sida ay diinta islaamku qabtana Ina Dhuubo oo kale waa ehelu naar.

Arintan uu maanta Ina Dhuubo ka hadlay, waxay dhacday 8 maalmood ka hore iyada oo lagu qoray warbaahinta, in kooxda arggagixisada ah ee uu ka tirsan yahay Ina Dhuubo labo oday ay Gunagado dishay.

Abtidoon oo kooxda u qaabilsan arimaha dibada, ayaa diiday in uu waxaa waraysi ah siiyo wariyaha VOA-da ee ku ciil baxa Ideecada.

Waxaa todobaadkii inaga tagay ay kooxdu gubtay bus yar oo waday 27 ruux oo shacab ah oo u socday magaalada Fiiq, ee gabalka Nogob.
Waxaa kale oo ay kooxda Jwxo-shiil, gubtay Iskuul iyo xarun caafimaad oo ku taal tuulada Tukaale ee gabalka Qoraxay.

Arimahan oo aan ka qarsoonayn dadweynaha Somalida Ethiopia, ayaa la yaab leh in ma xishoode Ina Dhuubo uu Ideecad ka baahiyo been.

Ina Dhuubo, oo ah nin aan loo dirin waxyaabaha xaqiiqda ah, ayaa lagu xasuustaa inkirkii 206 wiil ee sanadkii 2010, xeebta Somaliya ka soo degay k dibna la qabtay xadka.


Dhagayso Ina Dhuubo
[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/dhuubo.mp3]

rasaasa