Dhaawac la Keenay Addis Ababa

 

dhaawaca Liyuu BoolisJijiga, June 5, 2014 – War aan ka helay Addis Ababa, ayaa sheegay in dhaawac bada la keenay Isbitaalka guud ee ciidamada Atobiya ay ku leeyihiin magaalada Addis Ababa.

Dhaawaca la keenay Addis Ababa waxaa tiradooda lagu sheegay 19 ruux. Askartan waxay ku soo dhaawacmeen dagaal saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday gabalka Bakool ee dalka Somaliya. 19-ka ruux ee dhaawacan dhamaantoodba waxay ka tirsan yihiin maleeshiyada Liyuu Booliska ee degaanka Somalida.

Isla galabtaba waxaa Isbitaalka Booqday qaar ka mida ehelada dhaawacyada la keenay Addis Ababa, waxayna sheegeen in shan ka mid ah, uu dhaawacoodu aad u xun yahay.

Madaxwaynaha Ismaamulka Somalida Cabdi Iley, ayaa la sheegay in uu booqasho ku imanayo Addis Ababa, si uu u arko xaalada dhaawaca ciidanka Liyuu Booliska ee yaala Isbitaalka guud ee ciidamada Atobiya.