Desalegn oo Warbixin Laggaga Dhagaysan Doono London

 

UKethiopiaJijiga, Feb 26, 2014 – Xafiiska arimaha dibada iyo xiriirka barwaaqo sooranka Ingiriiska, ayaa casuumay Raysal Wasaaraha Itoobiya. Raysal Wasaare Desalegn, ayaa lagu marti qaaday in uu warbixin ka siiyo wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ee dalka Ingiriiska, arimaha maal gashiga iyo ganacsi ee Itoobiya.

Waxaa kale oo ay wasaarada arimaha dibada Ingiriisku su’aalo ka waydiin doontaa Desalegn, xaalada nabadgalyada iyo doorashooyinka ku soo fool leh Itoobiya.

Waxaa warbixinta dhaysigeeda ka qayb gali doona ganacsato Ingriis ah iyo waliba xubno ka socda rugta ganacsiga Addis Ababa.

Su,aalaha ugu badan, ee la waydiin doono R/wasaare Desalegn, waxay ku saabsanaan doonaan shidaalka gabalka Ogaden oo dhawaan ay ka biyo gaadhay shirkad Ingriis ah oo la yidhaahdo New Age.

Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan iskaashiga Afrika Mark Simmonds, ayaa ka hadli doona kulanka ka dhici doona London.

Warbixinta ayaa ka dhici doonta xafiiska arimaha dibada iyo barwaaqo sooranka Ingiriiska, March 25-28, 2014.

Kulanka ayaa laga yaabaa in ay carqaladeeyaan mawjado banaanbaxyaal ah oo ay ku baaqeen Jaaliyada Itoobiya iyo Jaaliyda Ogaden.

Jabhada ONLF ayaa dagaal kula jirta Itobiya, sidii ay xornimo u gaadhsiin lahayd gabalka Ogaden. ONLF, waxay ka hortaagan tahay Itoobiya soo saarida shidaalka Ogaden.