Denmark: Woinshet Tadesse, oo Jaaliyada Somalida la Kulantay

 

woinshetCopenhagen, February 13, 2014 – Ambassador Woinshet Tadese, oo warqadihii aqoonsiga magacaabisteeda gaadhsiisay boqorka Sweden Carl XVI Gustaf December 16, 2014, ayaa hatanCopenhagen kulan soo dhawayn ah kala qayb gashay Qusulka Jaaliyada Somalida Xuseen Axamed Cumar, oo halkaasi joogay tan iyo June 2012.

Kulanka lagu qabtay Copenhagen oo ay ka soo qayb gashay dhamaan Jaaliyada Somaliyeed ee degan dalka Denmarka, ayaa loogu baaqay in ay ka qayb noqdaan Jaaliyad balaadhan oo midaysa Jaaliyadaha Atoobiya ee Scandinavians.

Mrs. Woinshet Tadese, ayaa doonaysa in ay midayso Jaaliyaadka Atoobiya ee Scandinavians, taas ay adag tahay in ay dhacdo maadaama ayna dadka reer Atoobiya sinaanin ka dhaxaynin, khasab iyo jujuubna ku wada joogan dalka.

Mrs. Woinshet Tadese oo ka soo jeeday qoomiyada Tigray, ayaa gudi ku meel gaadh ah oo ay samaysay ka siisay Somalida labo xubnood, in kasta oo dadka meesha yimid ay Soomaali wada ahaayeen.

Mrs. Woinshet ayaa kula dardaarantay Jaaliyada Somalida ah, in ay bixiyaan kharjka lagu dhisayo biyo xidheenka Abbay.

Ma jiro dal aduunka ah oo ay joogto Jaaliyada midaysa qoomiyadaha reer Atoobiya ee ku nool dalalka dibada, taas oo tusaysa in Atoobiya ay tahay Liin iyo Caano dhay ah, kuwaas oo isku darkoodu dhibaato yahay.