Dayixii Sareedadda!

 

article-2595038-1CC3409100000578-542_470x622Jijiga, Apr 8, 2014 – “Xarshin Gabadha joogta ma aha Dee in ay Jeerigaan dhaamiso, waa khasab in ay hesho Qasabad ay weelka ku xasho kuna Maydhato”  Madaxwaynaha Degaanka Somalia.

Dayixii sareedada, in ay ku heesto Xaajiyada toban sano ka hor xarimtay fan iyo heesba, waxay ahayd mid xeeladaysan. Bilaashna muuna ahayn imaatinkii Jijigaad ee odayaal wada Boosh ah iyo Abwaaniin ergo doon ah oo iridda u fadhiistay inama yar yar. Ujeedadii ka dambaysay eeggaba waan aragnaa!

Warbaahintu waxay ka mid tahay hubka ugu culus ee loo adeegsado bayaaminta runta iyo beenta, waxayna la dagaalantaa xaqdara cidii doontaa ha gashee. Iyada oo ku soo celisa miisaantana hadalada iyo waxqabadka masuuliyiinta, si ay cashir ugu noqoto mustaqbalka.

Madaxwaynaha degaanka Somalida Atobiya oo dadaal ugu jira sidii uu wax ugu qaban lahaa shacabka, ayaa safaro ku taga meelo ka mid ah degaanka, walo ayna u sinayn degmooyinku. Sida aan ka soo xiganay Wikipedia, madaxwaynaha degaanku wuxuu ku dhashay magaalada Jijiga, in kasta oo qoys ahaan ka soo jeedo gabalka Qoraxeey. Xarun maamul ahaansho ka sokow Jijiga waxay ka mid tahay meelaha ay xukuumadu aadka ugu hagar baxaday, ee ay indhuhu qabtaan isbadal ka jira.

Meelaha kale ee wax qabadkooda lagu xanto xukuumada degaanka, waxaa ka mid ah labo saddex degmo oo ka tirsan gabalka Jarar oo si gaara ay madaxda degaanku dhawr goor u booqatay. Lama garanayo sababta si gaar ah mudnaanta loo siiyo degmooyinkaas. Laakiin waxaa la ogg yahay in xukuumadan, kuwii ka horeeyeyna ay sidan oo kale u kool koolin jireen, waxaana ka soo baxa degmooyinkaas tira xubno baarlamaan ah oo ka badan gabal dhan xubnihiis.

Degmooyinkan waxay xidhiidh gaar ah la lahaan jiray, taliyaha qaybta Bari ee ciidanka Atobiya. Waxaana la sheegaa in xidhiidhka wanaagsani ka socon jiray dhinaca maamul gabaleedka Somaliland oo harqiya laaluush iyo waxyaabo kale.
Degmooyinkani dhinac walba waxay kaga xidhan yihiin maamulka Somaliland, waxayna dadka degan haystaan warqadaha Aqoonsiga ee Somaliland, iyaga oo cod bixiya xiliga doorashada. Haddii ay wax ka tabanayaan degaanka Somalida, waxay dacwadooda u gudbiyaan maamulka Somaliland, kaas oo u qaada dacwada Addis Ababa iyo Jananka Harar.

Dadka ka faalooda arimaha degaanku waxay aaminsan yihiin in xidhiidhka wanaagsan ee u dhaxeeya masuuliyiinta degaanka iyo degmooyinka Xarshin iyo Harti-Sheekh uu sabab u yahay maamulka Somaliland sida masuuliyiinta kale ee Atobiya. Nolosha iyo isbadalka ka muuqda degmooyinkaas, waxaa u sabab ah laaluushka uu bixiyo maamulka Somaliland, oo ku khasba madaxda degaanka in ay miisaaniyad dheeri ah u leexiyaan degmooyinkaas.

Madaxwaynaha degaanka kol uu socod ku maray degmada Xamaro, oo ka mid ah degmooyinka ugu da,ada wayn ayey dadku waydiisteen Biyo iyo Jid. Madaxwaynuhu wuxuu ku jawaabay “wixii awoodanada ah waanu idiin qaban, baahiduna meel walba way ka jirtaa.” Hadalkaas oo loo micneeyey in ayna wax qabasho u soo dhawayn Xamaro iyo degaano la mid ah, meesha uu Madaxwaynuhu u balan qaaday gabadha Xarshin joogta in ay hesho biyo nadiif ah oo ay ku maydhato jidhka iyo weelka. Dhagaxbuur oo ah xarunta gabalka Jarar, ma laha biyo galin lagumana talo jiro in ay hesho nabad ay gurigooda ku seexato gabadha Dhagaxbuur joogta.

Waa wax caadi ah in tabac nin leeyahay uu xoolo u noqdo nin aan tabcan. Dhimasho badan iyo dagaaladii ka jir jiray gabalka Nogob iyo kuwa la mid ah, nabada ku meel gaadhka ah ka hore. Xarshin iyo Harti-sheekh, waxay helayeen horumarin joogto ah oo ay ku heli jireen dhibaataynta shacabka iyo dhiibida Hargeysa.