Dawlada Somaliya oo Wafti u Soo Dirtay Degaanka Buuhoodle

 

Buuhoodle, January 18, 2012 [ras] – La taliyaha dhinaca siyaasada Madaxweyne Sheekh Shariif, mudane Cabdikariin Xasan Jamac ayaa booqasho ku tagay jiida hore Degmada dagaalku ka dhacay ee Buuhoodle, waxaana ku baaqay in maamulka Somaliland oo joojiyo colaada, dagaalna dib uga abuurin dalka Somaliya.

Waxaa si is baba joog ah u soo gaadhay Jiida hore ee Degaanada colaadu ka jirta ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada maamulka cusub ee Khatumo iyo ciidamada maamul gabaleedka Somaliland, masuuliyiin badan oo ka kala socota beelaha Somaliyeed, maamulada iyo dawlada federalka Somaliya. Masuuliyiintaas oo baaq u diraya labada maamulk ee beelaha Isaaq iyo Dhulbahante in ay baajiyaan dhiig sokeeye oo daata.

Waftiga uu horkacayo la taliyaha dhinaca siyaasada ee Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa u digay maamulka somaliland wuxuuna sheegay in dawlada Somaliya ay tilaab ka qaadi doonto cidii gardaro samaysa kolka la gaadho xiligeeda.

rasaasa.com