Dawlada Degaanku Xayiraada ha ka Qaado Boggaga Internet-ka ee ka Shaqaynaya Nabada iyo Dib u Dhiska Dalka.

 

Jijiga, Apr 20, 2012 [ras] – Boggaga Internet-ka degaanka Somalida Ethiopia, ee nabada taageersan qaarkood ayaa dhawaan lagu soo rogay xayiraad xaga akhrisashada dadweynaha [ISP] mid la mid ah mida saaran boggaga Internet-ka ee mucaaradku leeyihiin.

Boggaga Internetka ee dhawaan laga xidhay hawda Ethiopia sabab aanaan sheegi karin, waxaa ka mid ah bogga dhanaan.com iyo rasaasa.com, oo labaduba ah boggaga ka qayb qaata hawlaha wanaaga ee degaanka.

Waxaa kuwaas la mid ah oo hawda Ethiopia u furan, somalistate.com, xaajo.com, nogob.com, abaaqorow, ogadennews.com, radiojijiga.com iyo kilil5.com.

Kuwa mucaaradka ee hawda ka xidhan waxaa ka mid ah; ogaden.com, ogadennet.com iyo qorahey.com.

radiojijiga.com iyo kilil5.com, oo hawada mudo ka xidhnaa khilaaf dhexmaray madaxda degaanka iyo wadayaasha boggaga dartiis, ayaa dib loo furay ka dib kolkii ay dacwad dheer ka galeen gudaha Ethiopia.

Maamulka rasaasa.com, wuxuu ka codsanayaa masuuliyiinta degaanka Somalidu in ay xayiraada ka qaadaan boggaga wanaaga ka shaqaynaya, si ay uga qayb qaataan nabada iyo dib u dhiska dalka.

rasaasa.com