Kilalka 5aad, ee uu hogaamiyaha ka yahay haatan Da,uud, ayaa waxaa awooda Kilalka xoogeeda leh oo ka haysta Dambiile Cabdi Maxamed Cumar Iley, oo dhibaato badan u gaystay dadweynaha Somalida Ogadeeniya.
Cabdi Iley oo si gaar ah ay dadweynuhu farta ugu fiiqaan iyaga oo yidhaahda waxaa uu xidhiidh la lahaa qaar ka mid ah xubnaha Jwxo, ayaa hada isu muujinaya in uu is maydho, isaga oo ku talamaya sidii uu u hanan lahaa jagada Horey ii dhaaf ee M/weynenimada Kilalka 5aad.
Cabdi Iley oo hore u gumaaday dadweynaha Somalida Ogadeeniya, ayaa hada bilaabay in uu si fool xun oo ay khayaano ku jirto, uu ula dagaalamao CWXO, isaga oo adeegsanaya qaar ka mid ah CWXO oo hore xidhiidh uga dhaxeeyey. Waxaana ay dhibaato weyn soo gaadhay CWXO iyo barahoodii hogaaminta.
ILey, waxaa aad ugu yar damqashada aadaminimo, waxaana uu had iyo goor soo dhigaa Internetka iyo magacyada dadka dagaalka ku dhinta, arintan oo aan ku wanaagsanayn, aadaminimada, Islaamnimada iyo Somalinimada midna. Hadii aad cadowgaaga dishid waad dishay markhaatina waxaa kuugu filan in aan ruuxi dib loo arkaynin, laakiin waxaa xaaraan ah in liisto ama sawiro dad la laayey loo soo bandhiga dadweynaha iyada oo la ilaalinayo damqashada ehelada.
Arintan uu Cabdi Illey samaynayo, waa markhaati loo hayo isaga oo kaliya, kolka ay suurtowdo in la abaal mariyana waxaa loo isticmaali doonaa cadaymo ahaan. Hadii ayna suurtoobin in la maxkamadeeyo, waxaa maxkamad ugu filan dadkiisa oo aan iyagu marna iloobayn cidii dambi ka gasha, kana goosan kol uun, sidda maanta haysata Jwxo-shiil oo meel uu ka galo la,a dadweynaha Somalida Ogadeeniya, marka laga reebo in yar oo qabiil ku difaacaysa.
Cabdi Iley ayaa Liistadan Magacyada ah soo dhigay Eeday Eegga.com, waxaa kale oo uu soo dhigay sawiro. Hore ayuu u soo dhigay sawiro dad la laayey, kuwaas oo iyana ku jira gal dambiyeedka loo kaydiyey kuwa ku kaca dunuubta.
Liistada oo labo qaybood ah, ayaa mid waxaa uu ku sheegay in ay yihiin madax, wuxuuna sheegay beelaha ay yihiin [Addresses]. Liistada kale oo aad u dheer oo uusan sheegin beelaha ay ka soo jeedaan [Addresses].
Hadaba, si aanu u hubsano runta iyo beenta dadkan la gumaaday ayaanu isku daynay in aanu helo beelahooda, waxaana noo soo baxday in uu run yahay gumaadku, laakiin saddex ruux oo ka mid ah ayaa nool oo aanu la hadalay.
Waana siddan liistada uu ku soo daabacay bogga EEDAY EEGGA.COM
“Dagaallo ka dhacey Degaanada Garigo’an, Farmadaw, Dulqabaw, Gabagabo & Isku-Dhoonley, intii u dhaxeysay June 29 iyo July 1, 2009, ayaa lagu diley tiro kor u dhaafeysa 80 ruux”. Sidaasina waxaa sheegay Cabdi Cumar.
Liistadan ayuu ku sheegay in ay ahaayeen masuuliyiin Jwxo ah, waxaana na loogu sheegay in ay dadkani ahaayeen dad gadisley ah.
==================================
- Dhuux Deeq Axmed Reer Isahaaq
- Sheekh Daahir Taxliil Ugaas Kooshin
- Shugri Cabdi Saafi Reer Amaadin
- Gorad Jiidhiye Ugaas Kooshin
- Mahad Dheere Maalinguur
- Kornayl Maalinguur
- Cabdinaasir Cali Bashiir Gaadsan
- Maxamuud Abshir Ugaas Kooshin
- Shugri Cabdi Shaafi Reer Amaadin
- Dhuux Diiriye Reer Amaadin
- Cali Waash Reer Idiris, Ismaaciil Gumcadle
- Bashiir Qabdiid Ugaas Kooshin
- Axmed Dhaga-Cade Xer
- Sheekh Godey Cabdala
- Axmed Dheere Dhaga-Cade Maxaad Roob
- Cali Yare Maxamed carab Reer Isahaaq
- Shiine Maxamuud Odowaa Reer Cali Gaab
- Maxamed Maxamuud Xirsi Ugaas Kooshin
- Nuur Qorax Reer Amaadin
- Axmed Saawi Reer Doolaal
- Cabdiraxmaan Koronto Reer Faarax Cilmi
- Reybad Abraahiin
-
Garaad Reer Naaleeye
===============================
Liistadan hoose ayuu ku sheegay in ay yihiin xubno CXO, waxaase na loo cadeeyey in ay ahaayeen dad isugu jira xoolo dhaqato, safar iyo tuulo joog, oo laga uruuriyey degaanadaas deedna la laayey.
=============================
- Bisle Yuusuf Carta Reer Qabridahare
- Raage Cabdi Naasir Haarcad Maxaad Aadan
- Maxamed Axmed Boon Reer Isaaq
- Yuusuf Yare Maxamuud Reer Qabridaharre
- Yaasiin Jaamac Axmed Gacanweyne
- Ciid Badal Raage Amaadin barmiilka
- Axmed Gadhle Amaadin
- Faarax Cali Geele Cali Yusuf
- Maxamuud Cali Faarax Reer warfaa
- Gaboose Ugaas Nuur
- Waysha Cadaroosh Amaadin
- Maxamuud Ursad Maalinguur
- Buraale Deeq Amaadin
- Axmed Nuux Isaaq/haaruun
- Cabdi Badal Makaahiil/reer Sacad
- Maxamuud Cabdi Dheere Reer Isaaq
- Maxamed Axmed Ismaaciil Ugaas Xirsi/Faarax Xirse
- Axmed Nuuriye Amaadin/Iimay
- Deeq Qoorleex Ugaas Kooshin
- Cabdulaahi Maxamuud Reer Isaaq
- Dayax Axmed Cali Reer Isaaq
- Daba-Geel ?
- Dhaga-Cade Shariif
- Maxamed bashiir Maxamuud Ugaas Kooshin
- Maxamed Cabdulaahi Nuur Ugaas Kooshin
- Buraale Cabdiraxmaan Maalinguur
- Maxamed Cabdi Warfaa
- Faysal Nuur Cabdi Abadaale
- Inna Macalin Wacdi Gumcadle
- Khadar Cabdulaahi Baarweyn Reer Isaq
- Dubad Siciid Wacdi Amaadin
- Xasan Ibraahin Maxamuud Reer Isaaq
- Maxamed Muxumed Shariif
- Dhashiike Aadan Khayr
- Maxamed Yuusuf Cabdi Cali Yuusuf/Qabridahare
- Maxamed Shakuur Abraahiin
- Low Yacad (lowyo) Reer Isaaq
- Maasa Maxamed Cabduqaadir Reer Isaaq
- Cabdulaahi Cabdi Mursal Ugaas Kooshin
- Maxamed Xaraari ?
- Faysal Baadiye Reer Qabridaharre
- Cabduqaadir Macalin Yaasuf Abayoonis
- Cabdiuwahaab Shariif Reer Ugaaas kooshin
- Canjeex Maxamuud Reer Isaaq
- Cabdulaahi Yare Amaadin
- Bashiir Cabdiraxmaan Bahgari/Maxaad Aadan
- Maxamuud Lacag Shilaabo/Bahgari
- Haashim Xasan ?
- Xamdi Ganay Amaadin
- Maxmuud Nuur Reer Isaaq
- Dayib Maxamuud Faroole Faarax Xirsi
- Maxamed Jeeni Amadin? [wuu nool yahay]
- Xasan Kare Reer Isaaq
- Wiil Baraar ?
- Inna Cabdi Naasir Qabdidahaare/
-
Cabdi Af Waranle Reer Isaaq
=============================
Xigasho Bogga website-ka DDS
Arimaha Dunuubta
rasaas.com