Dalalka Reer Galbeedka oo Lagu Eedeeyay Taageerida Argagixisada Siiriya

 

Faransiiska, Ingriiska, Maraykanka iyo Israa,iil ayaa u sheegay si aan gabasho lahayn in ay gacan siinayaan ururka ku kacsan xukuumada Siiriya ee Free Syria. Reer galbeedka ayaa ku eedeeyey qarax dhacay Al xalab maanta in ay dawlada Siiriya ka dambayso, laakin waxaa saacad ka dib qirtayqaraxyada Al xalab Ururka kacdoonka ka wada Siiriya, oo ay taageero ciidan iyo lacagba siiyaan dalalka reer galbeedku.

Waxaa waji gabax ku noqon doonta fagaarayaasha lagu kulmo saddexda dal, oo todobaadkan uun ay Shiinaha iyo ruushku diideen cod loo qaaday in Siiriya talaabo laggaga qaado, lana taageero free Syria.

Waxaa kale oo la sheegayaa in ciidamada Israa,iil iyo kuwa Qadar ay ku jiraan gudaha wadanka Siiriya ,iyaga oo gacan siinaya kacdoonka Siiriya.

Dalka Siiriya ayaa waxaa ka socda colaad xoog leh oo ay ka dambeeyaan dalalka reer galbeedka iyo dalalka Carabta ee la bahda ah reer galbeedka.

Daawo Warkan oo laga siidaayay Telfiishinka Ruushka TR

[jwplayer mediaid=”6083″]

 

rasaasa.com